Itoobiya: 71 qof oo ku dhintay shil baabuur

0

Dalka Itoobiya, tobanaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya.

Sarkiisha gobolka iyo kuwa xaafimaadka ee Isbitaallada ayaa VOA-da u sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen Shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba.

Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa VOA-da laanta Itoobiya u sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama.

Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda.

Madal