Daraasad ay sameysay xarun cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa ku eedeysay dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen in ay isticmaalaan jirdil iyo cadaadis si ay u sii hayaan gacan ku heynta dalka intiisa badan.
Mashruuca ka hortagga xagjirnimada ayaa lagu sheegay, in kooxda Iiran ay taageerto ay beegsato dadka ka soo horjeeda iyo xubnaha diimaha laga tirada badan yahay, si ay ugu qasbaan fikradahooda.
Waxaa kale oo la sheegay inay hubka noocyadiisa kala duwan soo geliyaan dalka, isla markaana ay gargaarka bini’adanimo ay ka weeciyaan meelaha looga baahan yahay.
Saddex iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay, Xuutiyiinta ayaa weeraray maraakiib marayay badda cas, haka ay sidoo kale gantallo ku garaaceen Israa’iil.
Waxay sheegeen in tallaabooyinkaas ay ku muujinayaan taageerada dadka reer Falastiin eek u nool magaalada Qasa.