Ruushka oo ka hadlay dilkii sarkaalkii sare ee ciidamada ilaalada nukliyeerka Ruushka

0

Ruushka oo ka hadlay dilkii sarkaalkii sare ee ciidamada ilaalada nukliyeerka Ruushka

Guddiga baarista ee dalka Ruushka ayaa ka hadlay dilkii maanta loo geystay hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka, kaas oo lagu dilay qarax.

Ruushka ayaa dilka Lt Gen Kirillov ku tilmaamay “argagaxisanimo”

Svetlana Petrenko oo ah afhayeen u hadasha dowladda ayaa sheegtay in dhacdadaas lagu tilmaamay inay tahay ” fal argagaxisanimo”, khaarijin, ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka,

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ukraine ay sheegatay inay ka dambeysay dilka Lt Gen Kirrilov hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka, oo saacado ka hor lagu dilay qarax lala eegtay oo ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Warkan waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

Dal sheegtay khaarijintii sarkaalkii sare ee ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ukraine ay sheegatay inay ka dambeysay dilka Lt Gen Kirrilov hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka, oo saacado ka hor lagu dilay qarax lala eegtay oo ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Warkan waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

Lt Gen Igor Kirillov, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaraxaas lagu dilay ku xiigeenkiisa.

Igor Kirillow ayaa dhintay kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray mooto xili uu Talaadadii manta uu ka baxayay gurigiisa.

Isniintii, Ukraine ayaa Kirillov ku soo oogtay dacwad ka dhan ah isticmaalka hubka kiimikada ah ee hore looga mamnuucay Ukraine. Waxay ku eedeysay inuu geystay dembi dagaal.

Ingiriiska iyo waddamo kale ayaa ayaa hore Kirrilov ugu soo rogay cunaqabateynsababo la xiriira doorkii uu ku lahaa adeegsiga hubka kiimikada ee Ruushka.

Waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2017-kii.