Muddo todobaad ka badan ayaa ka soo wareegtay markii uu dhaqan galay heshiiska joojinta dagaalka Lubnaan iyo Israa’iil, su’aasha soo shaac baxday ayaa ah, maxay tahay talaabada xigta ee Xisbullah?
Jawaabta su’aashan ayaa ah mid ku xiran dhowr arrimood, waxayna ka bilaabanaysaa qiimaynta dagaalkii dhawaa iyo natiijadiisa, iyo sida xabbad joojinta loo fasirtay, loona dhaqan galiyey.
Doodda xisbullah ee ah inay “guul rabbaani ah gaareen”, ayaa dhanka kale waxaa jira dood kale oo ka hadlaysa guuldarro, ama xataa dhamaadkii Xisbullah.
“Khuraafaad badan oo ku saabsan xisbullah ayaa burburay” sidaa waxaa yiri Karim Bitar oo macallin ka ah Jaamacadda Jesuit ee Beyruut, wuxuuna intaa ku sii daray “Taa micnaheedu ma aha inay dhamaatay”.
Inkastoo Xisbullah aysan marnaba waabin Israa’iil sida ay hore u sheegteen, haddana dagaalyahannadooda ayaa muujiyey awood weyn oo ay u yeesheen inay iska caabiyaan weerarka Israa’iil ee koofurta Lubnaan.
“Way adag tahay in Xisbullah au wixii dhacay u dhigto guul, laakinse kooxaha milateriga, natiijo kasta oo aan ku hogaaminayn guul darro dhamaystiran waxaa loo dhigi karaa iska caabbin lagala hor yimid awood milateri oo weyn” ayuu yiri Bitar.
Laakin dagaalkan qiime weyn ayuu ku fariistay, gaar ahaan taageerayaasha xisbullah iyo ururkaba, kaasoo madi hogaamiyeyaashiisa ay Israa’iil dishay, in badan oo hay’adihiisa ahna ay burbureen.
Qiimahaas wuu sii badan karaa haddii heshiiska joojinta cadaawadda la dhaqan galiyo, gaar ahaan qaabka ay Israa’iil u aragto, kaasoo u muuqda in Israa’iil ay isku dayeyso inay sii waddo duqeymaha, wax ay ku tilmaanto bartilmaameedyada Xisbullah, xataa markii dhaqangalka heshiiska uu billowday.
Macluumaadka heshiiska ayaa ah kuwo guud, mana laha faahfaahin badan. Wuxuu dhigayaa “kala furfruka kaabayaasha iyo goobaha milateriga, iyo la wareegidda hubka sharci darrada ah, laga oo bilaabo koofurta Litani”. Taa marka la fasiro waxay noqonaysaa hanaanka milteri ee Xisbullah, halka dhaqan galinta go’aankana loo xil saaray milateriga Lubnaan.
“Heshiisku waa mid guud, waxa muhiimka ahna waa waxa halkaa ka dhacaya ayuu yiri Bashiir Saadeh oo wqx ka dhiga jaamacadda Stirling.
Stirling wuxuu rumaysan yahay in taa ay ku xiran tahay sida hesiiska xabbad joojinyu u shaqeeyo. Xisbullah waxay dhankooda xaqiijiyeen inay iskaashi buuxa la samayn doonaan milateriga.
Inkastoo qaraarka 1701 ee soo afjaray dagaalkii Luulyo 2006 ee dhaxe maray Israa’iil iyo Xisbullah uu dhigayey in uusan jiri karin joogitan ciidan koofurta wabiga Litani marka laga reebo milateriga Lubnaan oo ah kuwo aan waxba u gaysan karin awoodda milateri ee Xisbullah, misna wakhtigan in xaaladdu ka duwan tahay.
Heshiiska wuxuu dhigayaa inla abuuro guddi shan xubnood ka kooban oo dusha kala socda dhaqangalka xababdjoojinta, kaasoo uu hogaaminayo sarkaal Ameerikaan ah. Israa’iil waxay kaloo sheegtay in heshiisku uu ogolaanayoin Xisbullah talaabo laga qaado si looga hortago inay awooddooda milateri dib u soo dhisaan.
Qaybaha heshiiska, haddii labada dhinacba ay dhaqan galiyaan wuxuu ka maanacayaa Xisbullah inay dib u soo ceshato awoodeedii milateri, gaar ahaan sahayda miilateri iyo marinnada la jaray ee ay soo maraan.
Baaxadda siyaasadeed ee Xisbullah
Haddaba ayadoo indhaha lagu hayo kaalinta milateri ee XIsbullah, ayaa xisbigu weli wuxuu yahay mid kaalin weyn ka cayaara siyaasadda Lubnaan,isla markaana qayb muhiim ah ku leh mudaneyaasha baarlamaanka.
Xisbigu wuxuu kaloo leeyahay dhowr hay’adood oo bixiya tiro adeegyo ah, waxaana ka mid ah waxbarashada, caafimaadka iyo lacagaha daymaha, sidaasna wuxuu ururku ku yahay awood dhaqaale oo weyn, dhaqalahaasoo badankiis ka yimaada Iiraan.
Ayadoo taa laga ambaqaadayo, waxaa xusid mudan in xoghayaha guud ee XIsbullah uu sheegay in dagaalaka ka dib “uu xisbigu sii wadi doono ka qayb galkiisa arrimaha siyaasadda”.
Laakinse maqnaanshaha shaqsiyadii soo jiidashada lahayd ee Nasrallah iyo dilka tiro badan oo ah hogaamiyeyaashii safka hore ee ay Israa’iil dishay ayaa ah mid xisbiga ku keentay marnaansho adag oo dhanka hogaaminta ah.
“Xisbullah waxaa muuqanaysa inay is beddel samaynayso, taana waxaa ugu wacan jiil cusub oo soo kacay, waxaana arki doonnaa wejiyo cusub” ayu yiri Saadeh oo rumaysan in aakhiritaanka awoodaha gobolka ay qaabayn doonaan mustaqbalka Xisbullah.