Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa lagu soo waramayaa inay sheegeen in Washington aysan aqbali doonin joogitaanka wakiillada Xamaas ee Qatar, iyaga oo ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta inay diiday hindiseyaashii ugu dambeeyay ee lagu gaarayo xabbad joojinta Gaza iyo heshiiska sii deynta dadkii ay Israa’iil ka soo qafaalatay.
Warbixino qarsoodi ah oo ay siiyeen wakaaladda wararka ee Reuters ayay mas’uuliyiintan ku sheegeen in dowladda Qatar ay ogolaatay inay Xamaas u sheegto inay xirto xafiiskeeda siyaasadda 10 maalmood ka hor.
Xamaas ayaa saldhig siyaasadeed ku lahayd magaalada Doxa tan iyo 2012-kii, waxaana la sheegay inay ku timid codsi ka yimid maamulkii Obama, si ay ugu oggolaadaan inay xiriir la sameeyaan kooxda.
Wararkaas ayaa waxaa BBC-du weeydiisay mas’uuliyiinta Xamaas balse ganafka ayay ku dhufteen; Qatar ayaan dhankeeda weli ka hadlin.
Dalkan yar laakiin saamaynta leh ayaa xulafo muhiim ah u ah Maraykanka marka ay timaaddo gobolka. Waxa uu martigeliyaa saldhig weyn oo ciidamada cirka Mareykanka ah, waxaana maareysay gorgortan siyaasadeed oo badan, oo ay ku jiraan Iran, Taliban iyo Ruushka. Marka laga soo tago Maraykanka iyo Masar, Qatariyiintu waxay sidoo kale door weyn ka ciyaareen wareegyada wadahadallada aan ilaa hadda lagu guulaysan ee lagu dhexdhexaadinayo xabbad joojinta dagaalka muddada sanadka ah u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza ka socda.
Wadahadalladii u dambeeyay ee bartamihii bishii Oktoobar ayaa ku guul darreystay in wax heshiis ah laga gaaro, iyadoo Xamaas ay diiday hindise xabbad-joojin ah oo muddo gaaban ah. Waxa ay mar walba ku baaqayeen in gebi ahaanba la joojiyo dagaalka, ciidamada Israa’iilna si buuxda looga saaro Gaza.
Israel ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay diiday heshiisyada. Maalmo ka dib markii shaqada laga eryay horraantii toddobaadkan, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu diiday heshiis nabadeed oo ka dhan ah talada madaxdiisa ammaanka.
Dr H A Hellyer, oo ka tirsan Machadka Adeegyada Boqortooyada Midowday (Rusi), ayaa u maleynaya in warbixinnada ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo. “Waxaan u maleynayaa inaan ku jirno wajigii ugu dambeeyay ka hor inta aan Xamaas lagu qasbin inay guurto,” ayuu ii sheegay.”
Baaqa Xamaas ee ah in Qatar laga saaro ayaa u muuqda inuu yahay isku day maamulka Biden ee xilka kasii dagaya uu ku doonayo inuu ku qasbo nooc ka mid ah heshiis nabadeed ka hor inta uusan dhamaanin waqtigiisa bisha Janaayo.
Hadii Xamaas lagu khasbo inay ka baxaan Doha, ma cadda halka ay u saldhigi xafiiskooda siyaasadeed. Iran oo ah xulafo aad muhiim ugu ah Iran ayaa noqon karta goobaha ay u wareegi karaan, inkastoo dilkii hogaamiyihii hore Ismail Haniyeh ee Tehran bishii Luulyo ay muujineyso inay halis ugu jiraan Israel haddii ay halkaas saldhig ka dhigtaan. Sidoo kale kama heli karaan waddooyin diblomaasiyadeed oo dhanka reer Galbeedka ah.
Dalka kale ee macquulka ah ay xafiiskooda u wareejin karaan ayaa ah waa Turkiga. Waa xubin ka mid ah Nato, sidoo kale ay aqlabiyad ka yihiin Muslimiinta Sunniga ah, waxay kooxda ka heli karaan saldhig ay uga shaqeeyaan si ammaan ah. Bishii April ee la soo dhaafay Madaxweyne Erdogan waxa uu Istanbul ku qaabilay madaxa siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh iyo wafdigiisa, halkaas oo ay kaga wadahadleen “waxa loo baahan yahay in la sameeyo si loo hubiyo in ku filan oo aan kala go’ lahayn la gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza, iyo geeddi-socod nabadeed oo caddaalad ah oo waara oo gobolka ka hirgela” .
Tallaabadan ayaa sidoo kale loo badinayaa inay soo dhaweyn doonto Ankara, oo marar badan isku dayday inay noqoto dallaal u dhexeeya bariga iyo galbeedka.
Waxaa loo malaynayaa in ammaanka shakhsiga ah ee hoggaanka Xamaas uu hadda welwel weyn ku hayo kooxda oo laba hoggaamiye lagu dilay wax ka yar afar bilood. Si la mid ah geeridii Haniyeh bishii Luulyo, bishii Oktoobar Israa’iil waxay Gaza ku dishay Yahya Sinwar – oo la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil.
Sida laga soo xigtay Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, “Xamas waxay go’aansatay inay sameyso hoggaamin wadajir ah oo ku meel gaar ah si loo yareeyo saameynta dilalka mustaqbalka ee Israel”.
Dr Hellyer wuxuu qabaa in meelna “ay ka ilaalin doonin isku dayga dilka Israa’iil si la mid ah joogitaanka Doha, halkaas oo Maraykanku uu ku leeyahay saldhigga milatari ee ugu weyn gobolka”.
Tillaabadan ugu dambeysay ayaa imaaneysa iyadoo saraakiisha Mareykanka ay u muuqdaan kuwo si weyn uga careysan qaabka ay dowladda Israa’iil u qaadatay joojinta dagaalka. Bishii Oktoobar, Xoghayeyaasha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Mareykanka ayaa sheegay haddii Israa’iil aysan u oggolaan in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah la geeyo Gaza 30 maalmood gudahood, ay wajihi doonaan siyaasad aan la cayimin “saameynteeda”.
Toddobaadkii hore tiro ka mid ah saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ka digay xaaladda waqooyiga Gaza inay tahay “baa’ba”. Sabtidii guddiga madaxa banaan ee dib u eegista macaluusha ayaa sheegay in ay jirto “suurta gal xoogan oo ah in macaluul ay ku soo fool leedahay aagagga”.
Xiriirka u dhexeeya Joe Biden iyo Benjamin Netanyahu ayaa xumaaday intii uu socday dagaalka Gaza, iyada oo ay sii kordhayso cadaadiska Washington si loo hagaajiyo xaaladda bini’aadantinimo ee Falastiiniyiinta iyo in wadahadal heshiis lagu gaaro.
Laakin, sida uu qabo Dr Hellyer, isku daygii Mareykanka ee gorgortanka ayaa ahaa mid khaldan.