Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal ay weydiiyeen mudaneyaasha aqalka wakiillada ayaa sheegay in uusan dib uga laaban doonin mowqifkiisa ku saabsan dekedda.
“Ma jirto cid xoog ku qabsan karta Itoobiya maanta. Waxaan leenahay awood nagu filan oo aan weerar celin ku samayn karno. Waxaan billownay in aan soo saarno wixii aan soo iibsan jirnay marka aan iibsi tegayno” ayuu yiri.
320-ka xubnood ee ka qayb galay fadhigii 3aad ee maanta ayaa 15 ka mid ah waxay fursad u heleen inay ra’iisul wasaaraha u gudbiyaan su’aalo, waxayna badankood ka soo jeedeen xisbiga talada haya ee Barwaaqo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkaas jeediyey maanta markii ay su’aalo weydiiyeen mudaneyaashaas, isagoo ujeedada hadalkana uga gol-lahaa in Itoobiya hub iyo ciidan ku filan ay haysato.Abiy wuxuu fadhiga ka sheegay in siyaasadda diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay ku salaysan tahay “nabad iyo iskaashi ay la yeelato dalalka oo dhan”. Wuxuu intaa ku daray in aragtida ah “Itoobiya waa sabool , mana gaari karto hamigeeda” in taasi loo baahan yahay in la saxo.
“Itoobiya way baraaraysaa kaalin weyn ayeyna ka cayaaraysaa sidii loo xallin lahaa – dhibaatooyinkeeda oo kaliya maahee – dhibaatooyinka ka taagan qaaradda” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu mad-madow soo kala dhex galay, ka dib heshiiskii ay marin badeedka ku helaysay ee ay la yeelatay Somaliland.
Ficil ahaan, wuxuu sheegay in Itoobiya ay Somaliland la saxiixday heshiis ay deked ku isticmaalayso muddo 50 sano ah.
“Kumanaan qof ayaa ugu dhintay Soomaaliya nabad naga wada dhaxaysa darteed. Waxaan siinnay wakhti lagu xasiliyo gobolka Soomaalida, danaha dalkana mudnaanta hore lagu siiyo, miyirkana lagu soo celiyo” ayuu yiri.
“Haddii ay jirto cid ku fekeraysa in aan isku xishoonno oo aan arrintan qarinno, wey khaldan yihiin” ayuu yiri.
Isagoo si adag u hadlaya ayuu Abiy Axmed intaa ku sii daray “ka dib heshiiskii Somaliland, waxaa soo baxay warar sheegaya in Itoobiya ay doonayso inay qaadato dhul soomaaliyeed. Laakisne waxaan saxiixnay heshiis 50 sano ah. Sidee u dhici kartaa in heshiis 50 sano ah loo adeegsado in dhul lagu qaato
Soomaaliya dhibaato nagalama dhaxayso. Hadafkeena waa in aan balaarinno dhaqaalaheenna maadaama ay dadkeennu sii badanayaan. Baaxadeenna marka la eego, qof walba way saamaynaysaa haddii aan dhibaato wajahno.
Marka aan u nimaadno arrinka ah marin in aan u helno badda cas, Itoobiya waxay leedahay dan qaran oo adag, waxaanan ugu celinayaa dunida in Itoobiya ay u baahan tahay marin badda cas ah oo si nabdoon ku hesho. Ma qarinayno danteenna marka arrintan laga hadlayo”.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu u sheegay xubnaha golaha wakiillada ee dalkiisa in Itoobiya aysan dagaal doonayn.
“Waxaa jira dad welwel ka qaba in ay dhici karto in dalal ay ku soo duulaan Itoobiya. Ma jirto cid Itoobiya xoog ugu soo duuli karta. Waxaan leenahay ciidan difaac oo nagu filan” ayuu yiri. “Waan ceebayn doonnaa ciddii timaada, laakin cidna taaban mayno” ayuu sii raaciyey.
Hadalka Abiy ayaa ku soo aadaya ayadoo Soomaaliya ay ceyrisay diblomaasi Itoobiya u joogay Muqdisho, talaabadaasoo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal.