Isku buuqa nolosha, caqabado badan iyo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ayaa ah wax aad looga walaaco.
Dhanka kale dadka qaarkood cidna makala hadlaan dhibaatooyinkooda mana u furaan maskaxdooda. Mararka qaarkood shaki awgii iyo cadaadiska bulshada kasoo gaaraya ayay isaga aamusaan, dad badan kama hadlaan dareenkooda taasna noloshooda burburisaa.
Balse sheekada Dave iyo Charlotte ayaa bulshadoo dhan duruus u ah. Waa markii ay isku dayday inay is disho iyo haatan oo ay nolol qurxoon ku nooashay.
Charlotte Leigh, oo ah kalkaaliso ku nool England, ayaa diyaar u ahayd inay shaqada ka baxdo maalin ka mid ah xagaagii 2019. Balse diiqad ayay dareemeysay. Wax walba waxay ula muuqdeen kuwo aan sax ahayn. Caadi ahaan way murugsaneyd.
Wax yar kadib, waxay go’aansatay inay is disho iyadoo aadday waddada tareenka ee West Yorkshire.
Balse nasiib wanaag, waxay maalintaas la kulantay darawal fiican oo tareenka waday. Darawalka tareenka ayaa durba xaqiiqsaday in gabadhu ay dhibaato heysato, wuuna badbaadiyay nolosheeda.
Saddex sano maalintaas kadib, Charlotte iyo darawalka tareenka ayaa is guursaday carruur ayayna haatan isku hayaan.
“Waxaan la daalaa-dhacayay arrimo caafimaadka maskaxda ah tan iyo markii aan da’yaraa. Caafimaadka maskaxdeyda ayaa wixii intaa ka dambeeyay ahaa mid aan xasilooneyn. Mararka qaar waan fiicanahay, mararka qaarna ma ficneyn,” ayay tiri Charlotte oo 33 jir ah.
Maalintaas shan sano kahor waxay nolosha Charlotte u ahayd mid muhiim ah. Xusuusaheeda maalintaas aad uma fiicneyn. Balse waxyaabaha qaar aad ayay u xusuusataa.
Waxay xusuusataa inay soo aadday dhanka tareenka, kadibna tareen kusoo wajahnaa dhankeeda uu gaabiyay kadibna istaagay. Dhacdadan ayaa ka dhacday waddada tareenka meel u dhow Crossflatsmeel u dhow Bradford.
“Waxaan xusuustaa inaan arkay nin tareenka kasoo degay. Waan ka baqay markaan arkay asagoo soo degaya, waxaan moodayay inuu igu dhufan doono tareenka,” ayay tiri Charlotte.
“Ninka ayaa ii yimid wuxuuna yiri, Hello, magaceyga waa Dave. Maanta maalintaadu ma xumeyd?” Ayuu yiri.
“Waxaan iri, ‘Haa, taasi way xumeyd’. Wuxuu yiri dhibaato malaha. Aan wada fadhiisanno oo wada-hadalno ilaa xaalkaagu ka hagaagayo.” Ayay hadalka raacisay.
Dave wuxuu badbaadiyay nolol
Dave wuxuu u shaqeeyaa Northern, shirkad tareen oo fadhigeedu yahay England. Shirkadda ayaa inta badan ka howl-gasha isu socodka tareennada ee waqooyiga Ingiriiska. Dave ayaa maalintaas aad u xusuusta. Wuu kasoo degay tareenka.
Jilbaha ayuu dhulka dhigtay isagoo xagga Charlotte u jeeda wuuna is baray.
Dave ayaa kadib Charlotte ku yiri, “Aan xoogaa wada hadalno ilaa xaalkaagu ka hagaagayo.” Si Charlotte loogu qaado tareenka kadibna loo geeyo meel ammaan ah.
Intaa kadib Dave iyo Charlotte waxay wada hadlayeen ilaa nus saac. Kadib markii ay la hadashay Dave, xoogaa way degtay. Dabcan, weli cadaadis ayay dareemeysay.
Balse diyaar ayay u ahayd inay tareenka raacdo. Wuxuu kadib u qaaday xarunta Skipton halkaas oo booliiska loo gacan geliyay.
Charlotte ayaa dhacdada kadib raadisay Dave
Dhacdadaas kadib, Charlotte ayaa billowday raadinta ninka badbaadiyay nolosheeda, kaasoo aad ugu naxariistay. Waxay ku dhibtootay inay war ka hesho ninkaasi.
Waxay ka baadi-goobtay Facebook iyadoo codsi u dirtay dadka. Waxay ku fekertay in qof ka shaqeeya shirkadda Northern Railway laga yaabo inuu ninkaasi kusoo xiro iyada.
“Haddii laga yaabee uusan dooneyn inuu ila hadlo, taas waan fahmi karaa. Balse waxaan keliya doonayay inaan ninka fiican uga mahad celiyo inuu waqti ila qaatay, uu aad iigu naxariistay uuna i tusay bani’aadannimo,” ayay tiri Charlotte.
Codsigeeda way ku guuleysatay. Mid ka mid ah dadka la shaqeeya Dave ayaa codsiga Charlotte ku arkay Facebook. Wuxuu namnbarka Dave siiyay Charlotte. Charlotte ayaa kadib farriin u dirtay Dave.
Dave haatan waa 47 jir. Kadib markii uu farriin ka helay Charlotte, wuu ku farxay. Wuxuu nafis ku dareemay inay bad qabto.
“Waxaan doonayay inaan ogaado inay bad qabto. Waxaan la xiriiray booliiska si ana u ogaado xaalkeeda iyo wixii intaa kadib dhacay. Waxaan keliya doonayay inay bad qabto,” ayuu yiri Dave.
“Waxaan dareemay inay mas’uuliyad iga saarneyd hubinta inay fiican tahay. Xiriirkaas ayaa ka dhashay fadhigii dhinaca waddada tareenka iyo wada-hadalkii dhex maray. Waa wax aad u fiican inaad isbeddel ku sameyso nolosha qof, inaad caawiso qof dhibban,” ayuu intaa raaciyay.
Dave ayaa ka jawaabay farriinta Charlotte. Wuxuu u sheegay Charlotte inuu diyaar u yahay mar walba oo ay doonto inay la hadasho.
Jaceyl iyo guur
Intaa wixii ka dambeeyay waxaa billowday inay farriimo is weydaarsadaan maalin walba.
Labo bilood kadib way kulmeen iyagoo kafeey isla cabay wixii intaa kadib dhacayna taariikh bey ahayd.
Labadooda ayaa is guursaday sanadkii 2022. Charlotte waxay xilligaas lahayd uur 22 toddobaad ah. Lammaanahan ayaa ku nool meel u dhow xaafadda Willesden ee London.
Balse aan dib u milicsanno. Bishii July 2020, Dave waxaa laga helay kansarka ku dhaca mindhicirrada, kaasoo ku badan ragga.
Xaqiiqdii, Dave ma uusan ogeyn in xanuunkan uu hayo. Wuxuu dhaqtarka ugu tegay dhabar-xanuun uu dareemayay.
Dave ayaa isbitaalka u aaday Charlotte darteed. Haddii aysan Charlotte ku adkeysan lahayn, marnaba uma aynaan tegi lahayn dhaqtarka, ayuu yiri Dave.
oddobaadyo kadib markii Dave laga helay kansar, dhaqaatiirta ayaa fasaxay.
Dhaqtar joogay Isbitaalka St James’s oo ku yaalla magaalada Leeds ayaa sanadkii hore u sheegay in haddii aan goor hore laga baari lahayn xanuunka, uusan badbaadi lahayn.
“Charlotte ayaa laga yaabaa inay tiraahdo inaan nolosheeda badbaadiyay. Ma aqaanno, balse teyda ayay badbaadisay,” ayuu yiri Dave.
Nuxurka sheekada ayaa ah in lammaanuhu ay doonayaan inay noloshooda la wadaagaan dadka.