Waaxda dambi-baarista Kenya oo shaacisay tuhmane dilkii loo gaystay hooyo iyo gabdheheeda

0

Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa qoraal ay ku daabacday boggooda Facebook ku sheetay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday “tuhmanaha ugu weyn” ee dilkii loo qeytay 3 hablood ee isku qoyska ahaa kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi.

“Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd – ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,

Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa soo bandhigay sawirka iyo magaca nin ay sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay.

“Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday… in [tuhmanaha] uu dhibbanayaasha ka soo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay,” qoraal barta Facebook ay ku daabacday waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa sidaasi lagu yiri.

DCI ayaa sidoo kale sheegtay in baabuurka lagu qaaday haweenka laga helay isagoo yaalla meel cidlo ah oo ku taalla suuqa Wakulima oo u dhow masraxa macallinka ENA, waxaana ay sheegeen in loo jiiday Xarunta DCI-da si baaritaan loogu sameeyo, taasoo xiriir la leh Haashim Dhaqane iyo dilka.

Waaxda dambi-baarista ayaa dadweynaha ka codsatay inay ka caawiyaan sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa ninkan ay xogtiisa baahiyeen.

“Iyadoo hal qof oo la tuhunsan yahay uu xiran yahay oo gacan ka geysanayo baaritaanka, waxaan ka codsaneynaa qof kasta oo laga yaabo inuu helo macluumaad gacan ka geysan kara xiritaanka [ninkaan] inuu la soo xiriiro DCI”, ayaa lagu yiri warka.

Hooyada iyo labada gabdhood ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi halkaas oo ay aaskooda ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan.

Shaacintan waaxda dambi-baarista ayaa timid 3 maalmood ka dib bannaanbax looga dhiidhiyay dilka ka dhacay xaafadda Isli ee Soomaalida u badan tahay.

Suuqyada ganacsiga ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa 24-kii bishan gebi ahaanba la xiray, iyadoo ganacsatada iyo dadweynuhu ay dhigeen dibadbax looga ashkatoonayo dilka loo gaystay saddex-da haween oo maydadkooda la soo dhigay xaafado kala duwan.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii Axmed Sheekh Cabdirixmaan (Axmed Yare) oo markaasi la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay dowladda jawaab ka sugayaan.

“Waxay ahayd dhacdo aan waligeed na soo marin, taas ayaan nagu kalliftay inaan Soomaalida isugu keeno oo bannaanbax qabo, si meel ugu wada soo jeedsado, dowladdana baaq u dirno” ayuu yiri Axmed Yare.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Qaar ka mid ah ehellada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay dalbadeen caddaalad iyo in arrintan baaritaan fiican lagu sameeyo si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay.

Maxamed Guuleed oo ka tirsan qaraabada gabdhaha la dilay ayaa BBC u sheegay in dhacdadani ay aad uga argagaxeen falkaan.

Guuleed oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in hooyada ay subaxii hore aaday isbataal ka dib-na la waayay.

“Maamada al dilay isbataal ayay rabtay inay aaddo. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo ka dib dib dambe uma aysan so hadlin meel ay jirto ayaa la wayay,” ayuu yiri Guuleed.

Waxaa uu intaa ku daray in dhawr saacado kadib taleefanka haweeneyda laga soo wacay labada gabdhood oo ay mid dhashay mid kalana ay habaryar u ahayd oo guriga wada joogay, iyada oo loo sheegay in ay hooyadood ay taalo isbitaal, lagana codsaday in ay u yimaadaan.

Guuleed ayaa xusay in gabdhaha markii la soo wacay ka dib ay aadeen goobtii ay hooyada joogtay iyaga oo qaatay gaari, balse iyaga qudhooda aan dib dambe war looga maqal, ilaa maydkooda la helay subixii xigay.

Baaritaan ay qoysku sameeyeen kadib ayuu sheegay in meydadka saddex dumar ah ay ka soo heleen goobo kala duwan, ayna isugu soo aruuriyeen qolka maydadka lagu keydiyo.

Waxaa uu sheegay in markii uu warka soo gaaray ay noqotay in meydadka oo meelo kala duwan laga helay ay soo uruuriyaan lana geeyo goobta meydadka lagu keydiyo.

“Saddexda qof-ba meydadkooda meelo kala duwan ayaa laga [soo helay], gabadha mid waxaa la dhigay Parkland,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in mid kalana meydkeeda laga soo helay Machakos oo banaanka ka ah Nairobi.

Mid ka mdi ah gabdhaha la dilay ayaa la sheegay in ay da’deeda ahayd 11 jir, waana gabadha ay dhashay haweeneyda la waayay markii hore.

Maxamed Guuleed ayaa sheegay in macluumaadka iyo sida ay wax u dhaceen ay dowladda u gudbiyeen islamarkana ay ku daba jiraan oo ay baarayaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo dad sidan oo akle loogu dilay dalka Kenya islamarkana waxaa jira dhowr dhacdo muddooyiinkii u dmabeeyay ka dhacayay gudaha Kenya.