Mid ka mid ah habeenadii ugu darnaa ee duqaynta Beirut

0

Sida ay sheegtay wariyaha BBC da ee Beirut Nafiseh Kohnavard, xalay iyada oo balakoonka guri ay degan tahay ka fiirineysa agga koonfurta ee magaalada, ayaa waxay arkay holac iyo dhimbilo ka duulaya goobo ay si adag u duqaysay Israa’iil.

Qaar ka mid ah dadka quburada ku ah hubka iyo isticmaalka xogta lagu baahiyo internet ka waxay sheegeen in goobta la duqeeyay ahayd baqaar hub ama kaalin shidaal midood. CIidamada Difaaca Israa’iil ayaa waxay iyagu sheegeen in ay beegsadeen goobo ay lahaayeen ururka Xisbullah.

Muuqaal ay duubtay ayay sheegtay in uu muujinayo qarax wayn iyo meelo kale oo la duqeeyay oo ay wali holac ka sii muuqdo. Waxay ahayd sida dab aad u wayn.

Mararka qaar codadka qaraxyada ee la maqlayo waa ay yar yihiin balse mararka qaar ayaa waxaa la maqlayay qaraxyo aad u xoogan iyo duqaymaha sharqantooda oo ku qasan.

Lubnaan oo sheegtay in 23 ruux ku dhimatay duqaymaha Israa’iil

Dowladda Lubnaan ayaa waxay xog dheeri oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawac cusub baahisay goordhow, kadib markii duqaymo laxaad leh oo ay geysatay Israa’iil ay ka dhaceen dalka maalinimadii shalay.

Tirada guud ayaa waxay ku sheegeen 23 qof oo dhimasho ah iyo ilaa 93 la sheegay in ay dhaawacmeen.

Howlgallada ugu badan ee Israa’iil ayaa waxa ay ka dhaceen Koonfurta Lubnaan, iyo gobolada bariga ku yaalla ee Bekaa iyo Baalbek-Hermel.