War culus: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa xaalad caafimaad ugu jira cusbitaal ku yaal dalka Jarmalka mudo imika.

0

War culus: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa xaalad caafimaad ugu jira cusbitaal ku yaal dalka Jarmalka mudo imika.

Xaalkiisa dawlada Djibouti wey qarinaysaa. Waxase jira warar hoose oo sheegaya in dawladaha xeryaha milatari ku leh in ay ku wargaliyeen haddii wakhtigu uyimaad ICG in uu jiro qorshe awood wareejin ah oo dajisan, kaas oo ah in mudo yar gudaheed doorasho ay u sharaxnaan doonaan laba wiil oo mid walaalkii dhalay oo awood badan ku leh Wasaarada Arimaha Dibada iyo inan kiisa mid ahaan u ordidoono in uu badalo iyadoo doorasho deg deg ah la qabandoono, Djibouti na aanay isku yaacay xaga maamulka.

Dawlada Djibouti ayaa dadaysa warka xaalka Ismaaciil Cumar Geele oo hadda uyaal cusbitaal dalka Jarmalka arimo caafimaad oo lagu sheegay in faalig ama dhiig ku furan sahlan, balse soo noqnoqday iyo dhiigkar aan degayn uu Jermanay u yaal.
Ismaaciil Cumar Geele waa 77 jir dhashay sanadkii 1947kii, kuna dhashay magaalada Diri Dhaba ee dalka Itoobiya. Waxa uu qabsaday xilka madaxweyne ee dalka Djibouti sanadkii 1999kii, 25 sano ka hor, markii adeerkii Xasan Guuleed Abtidoon oo isna ku dhashay degaanka Qulujeed ee degmada Saylac, ee Somaliland isna ahaa madaxweynihii ugu horeyey ee sanadkii 1977kii ilaa iyo 1999kii.
Djibouti waa dalka kali ee ilaa iyo madaxbanaanidiisii ay soo mareen laba madaxweyne, isla markaana dadkiisu haysan madaxbanaani xaga xoriyada hadalka. Goleyaashiisa deegaanka iyo Wakiilada waa kuwo aan awood lahayn oo toos looga maamulo madaxtooyada. Djibouti waxa lagu tilmaamaa dalka Afrika ee hal qoys ka taliyaan. Ismaaciil haddii uu meesha ka baxo wax talada sii haysan doona isla qoyskiisa oo awoodaha dalka gacanta ku haya heer kasta.

Ha loo duceeyo oday Ismaaciil Cumar Geele