Ururka Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay Axaddii shalay ku weerartay saldhig millatari oo ku yaalla gunta Israโil, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Israโil ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xisbullah.
Ma cadda in gantaallada Xisbullah ay ku weerartay Israโil ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Israโil ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray.
Warbaahinta gudaha Israโil ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa.
Xisbullah waxay sheegtay in ay Israโil ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan.
Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Israโil ee Ramat David eek u yaalla koofur bari ee magaalada Xeyfa.
Weeraro isugu jiray duqeyn cirka ah iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado is-gaarsiineed oo ay Xisbullah dibadda kasoo iibsatay oo ka dhacay Lubnaan, ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,000 oo ruux.
Raโisulwasaaraha Lubnan Najib Mikati ayaa sheegay inuu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada New York oo uu uga qeybgali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madal