Daanyeerrada dhirta isku daweeya oo gacan ka geysan kara helidda daawo cusub

0

Nooc daanyeerrada ka mid ah ee gorillaha ayaa laga yaabaa inay aadmiga feker ka siiyaan in mustaqbalka lasoo saaro dawo, sida ay sheegeen saynisyahannada.

Baarayaasha dalka Gabon ayaa daraaseeyay dhirta keymaha ku yaalla ee ay cunaan gorillaha duur-joogta ah – ayna sidoo kale xitaa isticmaalaan dhaqaatiirta dadka ku daweeya dhirta – iyagoo ogaaday afar nooc oo dawo laga sameyn karo.

Daraasaadka sheybaarka lagu sameeyay ayaa soo bandhigay dhirta ay ku badan tahay maaddada sunta ka hortagta iyo bakteeriyada il ma qabatada ah.

Mid ka mid ah dhirtan ayaa waxaa la ogaaday inay ka hortagto cayayaanka waaweyn.

Noocyadan waaweyn ee daanyeerka ayaa lagu yaqaannaa inay iyagu is daweeyaan iyagoo raadsanaya dhirta leh daawada ee la isku dhayo.

Mid ka mid ah daanyeerrada oo dhaawacnaa ayaa qabsaday warbaahinta dunida kadib markii la arkay isagoo isticmaalaya dhir la tumay si uu isugu daweeyo.

Daraasaddii ugu dambeysay, ayaa khubarrada dhirta waxay diwaan-geliyeen dhirta ay cunaan gorillaha ku nool dhulka hoose ee galbeedka Beerta Qaranka Moukalaba-Doudou ee dalka Gabon.

Waxay doorteen afar geed oo laga yaabo inay faa’iido leeyihiin, sida lagu ogaaday wareysiyo lala yeeshay khubarrada dhirta dadka ku daweeya ee gudaha: waana geedka fromager (Ceiba pentandra), geedka yellow mulberry (Myrianthus arboreus), African teak (Milicia excelsa) iyo kan fig trees (Ficus).

Salka geedahan – oo lagu isticmaalo sababo la xiriira daawada si loogu daweeyo wax walba laga soo bilaabo xanuunnada caloosha ilaa dhalmo la’aanta – ayaa waxaa ku jira kiimikooyin leh saameyn daawo, oo ay ka mid yihiin phenols iyo flavonoids.

Dhammaanba afarta dhir ayaa waxaa laga helay maaddooyin ka hortaga bakteeriyada iyadoo lagu tijaabiyay ugu yaraan mid ka mid ah noocyada bakteeriyo ee adkeysiga u leh daawooyinka.

Geedka fromager ayaa gaar ahaan waxaa ku jira maaddooyin lagu kalsoonaan karo oo ka dhan ah dhammaanba noocyada bakteeriyo ee la tijaabiyay, ayay yiraahdeen.

“Tan waxay muujineysaa in gorillaha ay keliya cunaan dhirta ay ka helaan faa’iidada, waxayna farta ku fiiqeysaa dulduleellada weyn ee ka dhex jirta aqoonteenna keymo-dhireedka Bartamaha Afrika” ayay tiri Dr Joanna Setchell, oo ah bare sare oo wax ka dhigta Jaamacadda Durham, UK, taasoo daraasadda kala shaqeysay saynisyahannada Gabon.

Gabon waxay leedahay keymo badan oo aan weli guntooda la gaarin, kuwaasoo hoy u ah maroodiyaasha, chimpanzee-ga iyo gorillaha, iyo sidoo kale dhir badan oo aysan aqoon saynisyahannada.

Dhirta la jarayo iyo xanuunnada ayaa horseeday in tiro badan oo ka mid ah gorillaha dhulka hoose ee galbeedka dalkaas ku nool ay ku dhuuntaan keymaha.

Waxaa lagu qilmaamay inay aad halis ugu jiraan sida ku xusan Liiska Cas ee Midowga Caalamiga ah ee Dhowridda Deegaanka.

Daraasaddan ayaa waxaa lagu daabacay joornaalka PLOS ONE.

Dhanka kale, dhowaan ayay ahayd markii la ogaaday in danyeerka nooca loo yaqaan Chimpanzee ee duurjoogta ah, ay cunaan dhirta ka hor tagta bakteeriyada iyo xanuunada kale, sida ay sheegeen seynisyahanada.

Waxay baaris ku sameyeen xayawaanada ku nool keymaha dalka Uganda, gaar ahaan kuwa dhaawaca soo gaara iyo kuwa xanuunsanayaba, inay dhirta isku daweeynayaan iyo on kale.

Marka xayawaanku dhaawacmo oo uu keynta u raadsado wax gaar ah oo uu cuno. Cilmi-baarayaashu waxay soo ururiyeen dhirta uu xayawaanka cuno, kadibna baaris ayay ku sameeyeen.

Inta badan dhirta la baaray, waxay noqdeen kuwo leh maadooyin ka hor taga bakteeriyada.

Seynisyahannada, oo natiijada baaritaankooda ku daabacay wargeyska PLOS One, waxay rumeysanyihiin in chimpanzeega uu xitaa ka caawin karo raadinta dawooyin kale oo cusub.

“Ma baari karno noole kasta oo ku nool kaymahaas, ayuu yiri cilmi-baare, Dr Elodie Freymann, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Marka maxaa noo diidaya inaan baarno nooca dhireed ee ay raadiyaan daanyeerka chimpanzee?” ayuunyiri.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Dr Freymann waxa ay muddo bilooyin ah si taxadar leh ula socotay xaaladda chimpanzee duurjoog ah oo ku noola keynta Budongo Central Forest Reserve ee dalka Uganda.