Sedex Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay xuduudda Urdun iyo Israa’iil iyo Duqeynta Israa’iil ku hayso Qasa oo lagu dilay 61 qof oo Falastiiniyiin ah 48 kii saac ee la soo dhaafay

0

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in uu soo gaaray warka la xiriirra rasaas ka dhacday meel ku dhaw marinka Al-Nabi ee buundada Boqor Xuseen ee xuduudda Urdun.

Mareegta “Kaan” ayaa sheegtay in qof haysta dhalashada Urdun uu rasaas oodda uga qaaday sedex shaqaale Israa’iiliyiin ah Marinka ku yaala meel u dhaxeysa Daanta Galbbeed ee la haysto iyo Urdun.

Waaxda Adeegga Gurmadka Degdeg ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in sedex qof lagu dilay tacshiiradda.

Faahfaahin intaa dheer ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ninka rasaasta furay uu la socday gaari ka soo galay dalka Urdun.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa bishii Oktoobar ee sanad kii hore dalka Urdun ma istaagin dibad baxyada looga soo horjeedo duulaanka Israa’iil.

Duqeynta Milatariga Israa’iil ku hayo Marinka Qasa ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 48 kii saac ee la soo dhaafay 61 qof oo Falastiiniyiin ah sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Kow iyo toban bilood oo uu socday dagaalka Marinka Qasa ayaa waxa guul dareystay isku dayo dublamaasiyeed oo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka, laguna sii daayo lahaystayaasha shisheeye ee gacanta ugu jira ururka Xamaas.

Labo duqeyn oo lagu qaaday labo iskuul oo hoy u ah dadka gudaha ku barakacay oo ku kala yaala degmada Qasa iyo degmada kale ee Jabaliya ayaa waxa ugu yaraan tii ku dhintay 12 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.

Milatariga Israa’iil waxa uu sheegay in weerarka lagu bartilmaameed saday xubbno hubeysan oo ka tirsan Xamaas oo ka hawgalayay dhismayaasha la duqeeyay. Shan qof oo kale oo falastiiniyiin ah ayaa duqeyn cirka ah lagu dilay guri ku yaala degmada Qasa, waxana tirada Sabtidii shalay la dilay oo kaliya ay noqonaysaa 28 qof.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islaamik Jihaad iyo Fatax ayaa sheegay in ay dagaal adag oo loo adeegsanayo garneylo, hoobiyayaal iyo miinooyinka dhulka lagu aaso ay kula jiraan ciidamada Israa’iil.