Nin hubeysan oo weeraray qunsuliyadda Israel ee Munich

0

Booliiska Jarmalka ayaa Khamiistii magaalada Munich ku toogtay nin u dhashay dalka Austria, ka dib markii ay rasaas isku weydaarsadeen meel ku dhow Qunsuliyadda Israa’iil ee magaalada Munich.

Dhacdadan ayaa keentay in siyaasiyiinta dalkaasi ay caddeeyeen ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo goobaha Israa’iil ee dalkaasi ku yaalla.

Booliska ayaa sheegay in ninkan oo 18 jir ah uu rasaas ka soo tuuray qori kaarabiin duug ahaa, meel aan ka fogeyn qunsuliyadda Israel ee ku taalla degmada Maxvorstadt ee magaalada Munich, ka hor inta aan lagu dilin rasaas ay isweydaarsadeen shan askari.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay sanadguurada weerarkii ay dabley Falastiiniyiin ah sanadkii 1972-ku qaadeen ciyaarihii Olympic-ga ee Munich oo ay ku dileen 11 ciyaartoy oo Israa’iiliyiin ah.