Madaxwaynaha Uganda oo yasey wasiir jabuutiyan ah oo u sharaxan gudoomiyaha midowga Africa,

0

Waxaa meel adag maraya Tartanka loogu jiro jagada guddoomiyaha Ururka Midowga Africa. Maalmihii u dambeeyay waxaa socday ololaha tartankan. Qaar ka mid ah warbaahinta Geeska Africa iyo Baraha Bulshada ayaa waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay heystay hadal uu tartankan ka yiri Madaxweynaha Uganda Yuweri Muzeveni, oo u muuqday inuu ku durayey murashaxa dalka Djibouti ee xilkan u taagan, oo ah wasiirka arrimaha debadda, Maxamud Cali Yuusuf, isagoo dhinaca kalena taageeray Murashaxa Kenya Raila Odinga.

Madaxwayne Museveni oo ka hadlay Nairobi xaflad loo qabtay teegerida raila Odinga sidii ugu guulaysan laha kursiga gudoomiyaha midowga Africa ayaa soo hadal qaaday booqasho uu wasiirka jabuutiyanka ahi ugu tagay madaxwayne Museveni kana codsaday in uu ku tageero kursiga, waxaanu yidhi museveni,

wiil yar oo jabuutiyana ayaa iga codsaday in ku taageero kusigaa malaa wasiirna wuu ahaa waxaana ku idhi Anigu waxaan taagerayaa Raila Odinga sicad ayan ugu sheegay sidoo kalena waxaan ku idhi ayuu yidhi kursigani wuxuu ubaahan yahay waayo Arag siyaasi wayn ah ,

waxaa muuqata khayaanadii lagu sameeyay Fosiya Xaji Aden in cuqabadii laga galay ku dhacayso Geele iyo xasan sheekh, Inantana foosiya oo kasoo jeeda Somaliland ayaa lagu cunsiradeeyay mawqifka halka ay dhalasho ahan kasoo jeedo oo ah Somaliland ,