Maxay BBC weriyahan caanka ah shaqada uga ceyrisay

0

Jermaine Jenas ayaa u sheegay wargayska The Sun in uu “qajilay”, qof walbana “uu meel uga dhacay”, ka dib markii laga eryey shaqadiisii barnaamij soo jeediyaha ee BBC.

Wuxuu u sheegay inuu u diray “farriimo aan haboonayn” laba qof oo ay ka wada shaqeeyaan barnaamijka ‘the One Show’, laakinse wuxuu ku adkaystay in “uusan samayn wax sharci darro ah”, wuxuuna sheegay in farriimaha loo ditay “laba qof oo qaangaar ah si ikhtiyaar ah”.

Weriyahaas hore u soo jeedin jiray barnaamijyada Match of the day iyo One Show ayaa heshiiskiisa shaqo la joojiyey todobaadkii hore, ayadoo lagu eedeeyey in uu laba qof oo dumar ah oo ay wada shaqaynayeen u diray farriimo aan haboonayn.

BBC kama aysan hadlin wax intaa dheeraad ka ah oo la xiriira eedeymaha ka dhanka ah ninkaas. Wuxuu u sheegay wargeyska “the Sun” in qoraallada ay ahaayeen “khalad weyn oo xagga xukminta ah”, kaasoo uu “aad uga xun yahay”, wuxuuna intaa ku daray in aysan ahayn “kuwo leh xasaasiyad xagga galmada ah”

.

Jenas oo ah xaasle afar carruur ah dhalay ayaa u sheegay wargeyska uu helayey daweyn, wuxuuna ogolaaday in uu “ka hoos maray heerka” BBC.

41 jirkaas ayaa yiri “Waan is ceebsaday, qof walbana meel baan uga dhacay – dadka aan wada shaqayno, saaxibaday, iyo tan ugu muhiimsan oo ah qoyskayga oo aan meel uga dhacay”.

Arrintan ayaa lagu soo jeediyey indhaha BBC dhowr todobaad ka hor, waxayna hay’addu tegitaankiisa ku dhawaaqday Khamiistii.

Afhayeen BBC u hadlay ayaa yiri “Jermaine Jenas kama sii mid ah liiska kooxda soo jeediyeyaasha”. BBC faallo kama bixin tan iyo markii uu Jenas la hadlay the Sun.

Wuxuu sheegay Jenas in la eryey intii uu socday wicitaan muuqaal ah Isniintii, isagoo fasax dalxiis la qaadanayey qoyskiisa shan maalmood ka dib markii loo sheegay inay jiraan eedeymo isaga ka dhan ah oo ay BBC hayso.

Waraysi dheer, oo mararka qaarna uu ilmaynayey isagoo kaamarada wargayska the Sun ka muuqday ayuu yiri “wax si jir ahaan ah u dhacay ma jiraan, laakin wuxuu u arkaa wixii uu sameeyey inay ahaayeen “khiyaano”.

Wuu sii waday wuxuuna yiri “Waxaa la I siiyey fursad wanaagsan, waxaanan ogahay in ay aniga dhankayga tahay in wakhtigan aan waayey wax kasta. Waxaan dareemayaa in dadku I xukminayaan, aniguna aan ahay bartilmaameedka ugu horreeya ee dalka wakhtigan”.

Jenas wuxu sheegay in ay tahay in “qof walba uu raalli gelin siiyo, gaar ahaan dumarka” uu farriinta u diray “Waan ka xumahay xaaladda aan galiyey”. Wuxuu beeniyey inuu u diray sawirro iyo fiidiyowyo aan haboonayn, sida uu the Sun weriyey.

Jenas ayaa tabinayey barnaamijka talkSport markii akhbaarta cayrintiisa BBC shaaca laga qaaday Khamiistii.

Markii isagoo hawada ku jira wax laga weydiiyey eedeymaha, wuxuu diiday in lala xiriiriyo sababta loo eryey, wuxuuna sheegay inuu “la hadlayey qareenno”.

Isla maalintaas ayaa taariikhdiisa laga saaray bogga internetka ee wakiilkiisa.

Hadal lagu qoray talkSport ayaa lagu yiri “Ma jiro qorshe ee Jermaine Jenas barnaamij ku baahinayo talkSport mustaqbalka dhow”.

Jenas ayaa ka qaadanayey BBC inta u dhaxaysa £190,000 ilaa £194,999 sannad xisaabeedkii u dambeeyey ee BBC, ayadoo shaqadiisu ahayd inuu tabiyo kubadda cagta oo ay ku jiraan koobka FA, Match of the Day iyo koobka adduunka.

Mushaarka shaqadiisa barnaamijka One Show lama shaacin, sababtoo ah waxaa bixiya istuudiyeyaasha BBC – shirkadda soo daarista dhanka ganacsiga ee BBC, taasoo aan shaacin lacagta ay barnaamij soo jeediyeyaasha siiso.

Jenas ayaa cayaartiisii ugu horreysay saftay isagoo 17 jir ah, wuxuuna u cayaaray kooxdii uu carruurnimadiisa ka tirsanaa ee Nottingham Forest, waxaana ku xigay kooxaha Newcastle United iyo Tottenham Hotspur.

Xulka qaranka ee England ayuu 21 cayaarood u saftay, wuxuuna cayaaraha ka fariistay 2016, ak hor intii uusan bilaabin shaqada saxaafadda.

Laacibkan Premier league ka soo cayaaray, ayaa sidoo kale TNT Sports ugu soo shaqeeyey khabiir ahaan iyo sidoo kale faalleeye. Wuxuu kaloo tabin jiray tartankooda Formula E.

Afhayeen u hadlay Formula E wuxuu sheegay in Jenas uu ka mid ahaa kooxda Formula E ee tabinayey Season 10 oo dhamaaday bishii Luulyo, iyo tabiyeyaasha barnaamijka xiga oo lagu dhawaaqi doono.

Way sii wadeen hadalkooda “Go’aankan si taxadar leh ayaa looga baaraandegi doonaa, ayadoo xisaabata lagu darayo heerka saree e la doonayo in loogu shaqeeyo Formula E”. TNT kama hadlin mustaqbalka Jena see warbaahintaas

Wakiilka Jenas, MC Saatchi, hadda ka dib wakil uma noqon doono, waxaana taariikhdiisa laga saaray barta internetka oo soo qoraysa lama heli karo boggan.