Itoobiya: ‘Ma jirto cid naga joojin karta inaan dhaqdhaqaaqyo ka sameyno gudaha Soomaaliya

0

afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay tallaabo difaac ka qaado waxuu ku qeexay ‘Al-Shaabta aadka u xoogaystay’.

Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan”

Isaga oo hadalka sii watana waxuu sheegay in Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin.

“Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda.