Dal caasimad cusub dhistay oo ka guuraya magaalo madaxdii u boqollaalka sano dalka looga arriminayay

0

Caasimada Indonesia ee Jakarta ayaa ah magaalo la doonayo in laga raro caasimadda.

Dawladda ayaa u go’aansatay in ay bilawdo mashruuc geesinimo leh oo lagu dhisayo caasimad cusub oo meel eber ah laga soo bilaabayo taas oo laga dhisayo kaynta dhexdeeda.

Qorshahan hamiga sare ah waxaa loogu talagalay inuu noqdo dhaxalka ugu weyn ee madaxweynaha xilka ka degaya Joko Widodo.

Markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay 2019, dhismaha magaalada cusub ayaa la qorsheeyay in la bilaabo bartamahii sanadka 2022.

Waxay dhawaan u diyaar garoobi doontaa inay soo dhaweyso dadkii ugu horreeyay ee degi lahaa, kuwaas oo imaanshahooda loo qorsheeyay toddobaadyada soo socda.

“Caasimadda Nusantara waa mashruuc mustaqbalka loo abuurayo. Dal kastaa fursad uma haysto inuu caasimaddiisa meel eber ka dhiso,” ayuu yiri Madaxweyne Widodo toddobaadkii hore, intii lagu guda jiray shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada ee ka dhacay magaalada cusub.

Jakarta, oo caasimad u ahayd dalka tan iyo gumaystihii Holland qarnigii 17-aad, ayaa ah mid aad u saxmad badan, waana magaalada ugu deg-dega badan adduunka sidoo kalana waa magaalada ugu wasakhda badan.

40% magaalo-madaxda, oo ay ku nool yihiin 10.5 milyan, ayaa hadda ka hooseeya heerka badda.

Nusantara waxaa loo asteeyay inay noqoto magaalo cagaar ah oo tignoolajiyad sare leh.

In ka badan 60% baxadeeda waxay laba jeer ka weyn magaalada New York, waxaana loo qorsheeyay inay yeelato goobo cagaaran, oo ka dhisan waddooyinka lagu socdo iyo jidadka baaskiilka.

Laakiin hadda, in badan oo aaggaas ah ayaa waxaa weli ku socda dhismo.

Markii BBC-da ay dhawaan booqatay goobta, boqollaal, haddaysan ahayn kumannaan, shaqaale ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqaynayay, kuwaas oo u dedaal ugu jiray inay horumar ka sameeyaan dhismayaal aan la dhammayn, halka baabuurta xamuulka ah iyo cagaf-cagafyadu ay agab kala duwan qaadayeen.

Mashruucan ayaa waxaa loo qorsheeyay shan waji, iyadoo wajiga koowaad uu qorshuhu ahaa in la soo gaba gabeeyo bisha August, si uu ugu soo beegmo maalmaha xoriyada dalka. Si kastaba ha ahaatee, taariikhahaas dib ayaa loo dhigay ilaa dhamaadka sanadka.

In kasta oo uu horumarku jiro, haddana shaki ayaa ku jira sii jiridda mashruucan weyn ee hamiga leh.

Magaalada oo dhan waxa ku baxaysa 33 bilyan oo dollar in lagu dhiso, taas oo ay dawladdu ku yaboohday boqolkiiba shan oo keliya, waxana ay la tacaalaysaa sidii ay inta hartay uga soo ururin lahayd maalgashi gaar ah.

Si loo soo jiito maalgashadayaasha, Madaxweyne Widodo wuxuu dhawaan sameeyay dhiirigelin, ay ku jiraan xuquuqda dhulka ilaa 190 sano.

Madaxweynaha ayaa mashruuca Nusantara u soo bandhigay dhowr hogaamiye oo caalamka ah sanadkii la soo dhaafay, sida shirkii G20 ee India ka dhacay bishii November, laakiin ilaa hadda ma jiraan heshiisyo waaweyn oo la saxiixay.

Caasimada cusub waxay ku taal meel qiyaastii 1,200 kilomitir u jirta Jakarta, taasoo ku taal jasiiradda Java.

Waxaa laga dhisay kaynta Bari Kalimantan, ee Borneo, oo ah goob juqraafi ahaan loo doortay sababtoo ah khatarta hoose ee masiibooyinka dabiiciga ah sida fatahaadaha iyo dhulgariirrada.

Khariida, Nusantara waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ku taal bartamaha Indonesia.

Meesha ay ku taal si taxadar leh ayaa loo doortay si ay gacan uga geysato dib u qaybinta hantida iyo kheyraadka guud ahaan jasiiradaha ballaaran (oo ka kooban ilaa 17,500 jasiiradood), oo ka fog Jakarta iyo Java.