Wax ka ogow afarta musharrax ee u tartamaya xilka gudoomiyaha guddiga midowga Afrika

0

Midowga Afrika ayaa todobaadkii hore soo saaray magacyada afar musharrax oo u taagan qabashada xilka guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ee AUC.

Musharixiinta la ansixiyay ayaa ka kala yimid dalalka bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya, Jabuuti, Madagascar iyo Mauritius.

Sababtu waxa ay tahay in waddamada xubnaha ka ah midowga Afrika ay fursad u heleen in ay soo magacaabaan masuulkii bedeli lahaa guddoomiyaha hadda talada haya ee Moussa Faki oo ah muwaadin u dhashay dalka Chad oo xilkaasi hayay tan iyo sannadkii 2017-kii.

Doorashada AUC ayaa loo qorsheeyay in ay qabsoonto bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2025, inta lagu guda jiro shir madaxeedka midowga Afrika

Musharax kasta oo ka mid ah afarta musharax waxa uu astaan u yahay dalkiisa. Qormadaan ayaan uga hadleynaa afarta musharax iyo waxa ay kala yihiin.

Raila Odinga – Kenya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo 79 jir ah, ayaan ahayn magac ku cusub saaxadda siyaasadda ee dalkiisa iyo weliba Afrika.

Waxa uu isku dayay in uu u tartamo madaxtinimada dalka Kenya, isagoo ku guul darreystay shan jeer, doorashadii u dambeysay ee 2022-kii, madaxweyne William Ruto, ayaa uga guuleystay doorashada.

Go’aankiisa ku aadan inuu u tartamo guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa ah mid ay si dhaw ula socdaan dalalka qaaradda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa mar uu soo bandhigayay dukumeentigiisa waxa uu sheegay in uu awood u leeyahay xalinta caqabadaha hortaagan midowga, uuna gaari karo hadafkiisa ah guddoomiyaha AUC, haddii uu ku guuleysto tartanka.

Mr Odinga ayaa ah siyaasi rug cadaa ah oo caan ku ah in uu u halgamo dib u habeynta siyaasadda dalka Kenya, dhaq dhaqaaqyo badan oo uu sameeyay ayaa sababay in xabsiga loo taxaabo oo la sii daayo marar badan laga soo bilaabo 1982 ilaa 1991 xiligaasi oo uu maamulayay Madaxweynihii labaad ee Kenya Daniel Arap Moi.

Wuxuu sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Kenya, kadib heshiis qaran oo lagu afjarayay rabshadihii doorashadii 2007 ilaa 2008, sidaasna lagu sameeyay xilkaas, waxa uuna awooda la wadaagay madaxweyne Mwai Kibak

Maxamuud Cali Yuusuf – Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii

“Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka” saaran qaaradda, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore.

Waxa uu sheegay in guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare.

Marka laga soo tago ilaalinta nabadda iyo amniga qaaradda, waxa uu sheegay in hamigiisu yahay in uu kobciyo horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Waxa uu ku faanayaa in uu ku hadli karo luqado kala duwan, waxaana uu aaminsan yahay in awooddan isgaarsiineed ay awood u siinayso in uu noqdo buundo isku xiri doonta woqooyiga iyo koonfurta, bari iyo galbeed.

Richard James Randriamandrato, waa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Madagascar, kaas oo shaqada laga eryay Oktoobar 2022-kii ka dib markii uu u codeeyay qaraar Qaramada Midoobay ay soo saartay, kaas oo lagu cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine. Waqtigaas Madagascar ayaa sheegtay in uu ku xadgudbay mowqifkeeda dhexdhexaadnimada.

Dalku wuxuu hadda go’aansaday inuu ku taageero u tartamidda guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Khibradda Randriamandrato ma ku filan tahay inuu guuleysto? Tani waa su’aal jawaabteeda la heli doono kadib doorashada AUC ee la qabanayo bisha Febraayo 2025 inta lagu guda jiro shirweynaha Midowga Afrika.

 

Anil Gayan – Mauritius.

Anil Gayan oo 76 jir ah, waxa uu soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda ee Mauritius intii u dhaxaysay 1983 ilaa 1986, balse waxaa mar kale isla xilkaas dib loogu magacaabay 2000 ilaa 2003dii.

Sida laga soo xigtay website-ka World Economic Forum, Anil Gayan waa qareen, waxaana uu shahaadada Masterka ka qaatay sharciga caalamiga ah iyo sharciga badaha, Jaamacadda London.

Sannadkii 1974-kii, wuxuu ku biiray xafiiska xeer ilaaliyaha guud. Intii u dhaxaysay 1974-1982, waxa uu ahaa ergayga gaarka ah ee Mauritius ee axdiga qaramada midoobay ee sharciga badaha. Sanadihii xigay waxa uu ka soo shaqeeyay jagooyin kale oo caalami ah.

Waxa uu sidoo kale lataliye u noqday xarunta xuquuqal insaanka, Geneva, waxaana uu shaqo latalin ah ka soo qabtay Bhutan, Mongolia, Armenia iyo Togo.