Dibad khatar iyo cunsiyarada ku ah dadka midabka casaanka iyo madowga leh oo ka socda Ingiriiska

0

Dibad-baxayaal ku qeylinaya “ka saara” ayaa isugu soo baxay hotelka Holiday Inn Express ee magaalada Rotherham

Daaqadaha iyo albaabada ayaa laga jajabiyay hoteelka, iyada oo haanta qashinka dab la qabadsiiyay.

Ciidamo boolis ah oo wata gaashaanka rabshadaha ayaa isku gadaamay dhismaha waxayna isku dayayaan inay dadka dib u celiayaan.

Dibad-baxayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay jabiyeen xeeyndaabkii ilaalada. Tagaasi ayaa la burburiyay, goobaha ganacsiga qaarkood ayaa goor hore la xiray

Dibad-baxayaal ka soo horjeeda cunsuriyadda ayaa ka tagay aagga, laakiin boqolaal qof oo ka soo horjeeda magangalyo-doonka ayaa weli halkaas ku sugan.

Mudaaharaadyo ayaa sdioo kale ka socda Bolton, Southport iyo Middlesbrough, halkaas oo ay dadwaynuhu jiireen xeyndaabka laalada booliiska.

Wasiirka booliiska ayaa BBC-da u sheegay in qalalaasuhu uu cabsi ku beeray bulshooyinka iyo in dadka qaar ay si gaar ah u cabsadaan sababtuna ay tahay midabka maqaarkooda.

Mudaaharaadyo ayaa dalka oo dhan ka billowday kaddib markii saddex gabdhood oo da’yar lagu dilay Southport