Home Faallooyin Maxaad ka ogtahay 10 xubnood ee reer saxil e beri la kulmaya...
Kulankii Maanta ee Hotel Dhoolayare Hargeysa ku Dhex maray masuuliyiinta Beesha Ciise Muuse Kaga jira Xukuumada talada haysa ee Madaxwayne Muuse Biixi ayaa la sheegay in laga dhex xulay 10 xubnood oo maalinta beri ah la kulmi doona Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo isagu Kulankan ka dalabady masuuliyiinta beeshan kaga Jira Xukumadiisa sida warka hoose sheegayan,
. Kulankan maanta oo uu gudoominayay Wasiirka Wasarada Maaliyada Sacad Cali Shire ayaa Nuxurkiisu ahaa in laga dhex xulo 10 xubnood ee la kulmi doona Madaxwayanaha Sida xubno kamida masuuliyiintii kulankaa fadhiyay ay warbaahinta usoo dusiyeen,
waxa iyana dhinac socotay fariin kale oo ka timid Madaxwaynaha oo sheegaysa in maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa Madaxawyanha iyo wafti balaadhan oo la socda ay booqasho dhoolo tus ah ama olole dahsoona ku iman doonaan Berbera iyo degmada sheekh Habeenana uu uhoyan doono madaxwaynuhu,
. Haddaba 10- kan xubnood ee gudida ah ayaa la Sheegayaa in loo diyaariyay kharashkii soo Dhaweynta Madaxweynaha iyo cidii uu kala Kulmi Lahaa beesha Gobolka Saaxil ciise muuse
sidaynu ognahayna Doorarkii hore ee Madaxweynuhu iman jiray hawlaha soodhaweynta Madaxweynaha iyo la Kulanka Bulshada waxa diyaarin jiray Dawlada Hoose ee Berbera laakiin maanta taas calaamatu Su.aal ayaa saaran.
Waa kuwan 10-ka Xubnood magacyadoodu
1 Xildhibaan dayib xasan Boobe
2 Xildhibaan Xirsi Cabdilahi Xirsi
3 Agaasime guud Maxamed cabdilahi Ducaale
4 Mareyaha dekada Berbera Siciis xasan Cabdilahi
5 Agaasime guud Axmed Abokor
6 Cismaan Xaashi Yuusuf
7 Kayd cabdilaahi xanduleh
8 Axmed Wayse cade
9 Saleeban Siciid Cali
10 samsam Maxamed Cige
Booqashadan Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolka Saaxil ayaa xiligan kusoo beegmaysa Iyadoo Siyaasiyiin badan oo muxaafid ahaa iyo Xubno Muhiim u ahaa Xusbiga Kulmiye ee Heer Gobol iyo heer qaran ka huleeleen oo ku biireen Xisbiga Mucaraadka ah ee Waddani