Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Masuuliyiinta Xilalka Ka Hay Xukumadiisa ee Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Iyo Xogaha Dahsoon ee Laga Fili Karo.

0

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Masuuliyiinta Xilalka Ka Hay Xukumadiisa ee Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Iyo Xogaha Dahsoon ee Laga Fili Karo.

Xaaladaha siyasiga ah ee doorshooyinku wataan ayaa cirka iskusii shareeraya wali iyddoon komishinka doorashooyinka qaranka Somaliland ku dhawaqin xiligii ololaha la bilaabiyo ayaa xisbiyada iyo ururada siyasada ee Somaliland billabeen Olole kulul oo degaanada lagusii kala horror sanayo,

khaasatana Xisbiga mucaraadka ah ee Wadani ayaa qaaday tubtii ay ku kasbanayeen codbixiyasha muwaadiniinta Somaliland ee Doorashada fooda inagu soo haysa ee la filayo inay qabsoonto 13 November 2024.

Todobadyadii udanbeeyay waxa isa soo tarayay Siyasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Saaxil eer kusii qulqylaya Xisbiga wadani iyagoo xaflado loo qabanayay ku biirista ay ku galayan xisbiga Wadani,

Dabcana waxaba muuqata fal celin wayn oo ay sameeyeen masuuliyiinta sare ee Xisbiga wadani iyagoo xubno kamida ragaasi siyaasiyiinta ah Umagacabay Xilalal sare,

Arinkana ayana umuuqday mid aan wax dareen ah ku keeninin ama falcelinba xukuumada talada haysa ee ka dhalatay Xisbiga Kulmiye,

Hadaba warar xog ogaal ah oo caawa soo gaaadhaya warbaahinta madax banana ayaa tibaxaya in Madaxwayne Muuse Biixi iskugu yeedhay maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 03.08 2024 dhamaan masuuliyiinta xilka ka haya Xukuumadiisa ee kasoo Jeeda Gobolka Saaxil { Ciise Muuse} illaa iminkana lama oga Arimaha uu Madaxwayne Muuse Biixi kala hadli doona masuuliyiinta Reer Saaxil,

laakiin sida la filayo qodobada uu kala hadli doono waxaa ka mida Arimaha doorshada iyo rag badan oo siyaasiyiintii reer Saaxila oo u ku biiraya xisbiga Wadani kuwaasoo ahaa ragii sida wayn ugu dhisay Madaxwayne Biixi inuu ku guulaysto doorrashadii 2017,

Ragan ayaa qaarkood ahaayeen lafdhabartii Xisbiga kulmiye ee Gobolka Saaaxil,

Hadaba hadaynu dib u jaleecno sababaha inta badan siyaasyiintan reer Saaxil ay uga tageen Xisbiga Kumiye iyo xukuumada hada jirta ayaa loo badinaya ka jawaabista la.aanta baahiyaha bulshada Reer Saaxil ay ka tabnayan xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ,

Sida Saami qaybsiga dawlada dhexe, oo ay qawad badan ka muujiyaan marka ay warbaahinta lahadlayan, xataa xilalakii Gobolka saaxil oo badiba laga qaaday sida ay ugudbiyan warbaahinta  iyo arimo in badan lagala hadlay Madaxwayne Biixi oo waxba laga qaban waayay sida Laydhka oo cabshada ugu badani ka taagnayd, Arimaha kale ee bulshada reer Saaxil kaga cabato xukuumada talada haysa ee soo noq noqda waxa Ka mida shaqaalaysiinta marka mashaariic horumarineed kusoo korodho Gobolka Saaxil.

Haddaba ugu danbayntii kulanka maalinta beri ah 03/08/2024 dhex mari doona masuuliyiinta ka soo Jeeda Gobolka Saaxil ee ku jira dawlada dhexe Iyo Madaxwayne Muuse Biixi maxaa kasoo bixi kara.

Taa waa loo wada joogi doonaa , maxayse ka Bedeli karaan xaalada waqtigu ku yar yahay ee Doorshada iyadoo sida muuqata reer Saaxil iyo Xukuumada ka dhisan Xisbiga kulmiye ay aad usii Kala fogadeen mudooyinkii udanbeeyay.