Intii lagu guda jiray khudbad uu Sabtidii ka jeediyay ololahiisa doorashada ee magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa u muuqday in uu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan.
Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aasaasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019.
Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah.
Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay “ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabnimada iyo dembiyada laga gelayo meelihii ay ka yimaadeen.”
Faallooyinkiisaas ayaa kiciyay waagaas dad isugu soo baxay North Carolina oo ku dhawaaqayay “dib u celiya!” una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro.
Dhanka kale, xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaaraya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa.
Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhignaa “Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yimid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah”.
Khudbaddiisii habeenkii sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isaga oona xilligaa yidhi, โIlhaan Cumar, waxa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.. xilligaas way qaylinaysay, waxa aanan idhi โwaa ayo qofkaniโ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.โ
Trump ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo.
Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, โAnigoo qudbad jeedinaya, dad badan ayaanu joognay… way kacday oo qaylisay, waxaan ku idhi naagtaasi waa waalan tahay, way waalan tahayโ.
Qaybta hadalkaas ee Trump ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaalayaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jahawareeray oo uu isku khalday labada haween ee Congress-ka ka wada tirsan.
“Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale,” Acyn ayaa qortay.
Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere โargagixisanimoโ, wuxuuna ku andacooday inay โneceb tahay Maraykankaโ.
Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib waxay taariikh sameeyeen bishii Nofembar ee sanadkii 2018-kii, markaas oo ay noqdeen dumarkii ugu horreeyay ee muslimiin ah oo ku biiray aqalka wakiillada Mareykanka.
Labadooduba waxay xubno ka yihiin xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka waxayna horumar weyn ka sameeyeen doorkooda siyaasadda.
Arrimaha kale ee ay ka mideysan yihiin waxaa ka mid ah inay taageeraan xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.
Intaas waxaa usii dheer inay cod sare ugu doodaan dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga.
Laakiin waxaa jira hal wax oo iyaga khaas u ah ayna uga duwan yihiin cid walba oo kale, xitaa xubnaha kale ee aqalka wakiillada ay ka tirsan yihiin, waxaasina waa Israel.
Ilhaan iyo Rashida labadooduba waxay aad u cambaareeyaan sida ay Israel ula dhaqanto Falastiiniyiinta, waana labada siyaasi ee kaliya ee ka tirsan aqalka Congress-ka ee sida cad u taageera falcelinta falastiiniyiinta ee ku aadan go’doonka ay Israel galiso, iyo waliba dhaqdhaqaaqyada lagu bartilmaameedsado Israa’iiliyiinta, tan iyo muddo dheer.
Arrintan waxay hadda sababtay in Ilhaan iyo Rashida ay noqdaan wakiilladii ugu horreeyay ee laga soo doortay Mareykanka oo abid laga mamnuuco galitaanka Israel.
Rashida oo ah Haweeneyd 42 jir ah oo baratay cilmiga sharciga, waxay heysataa dhalasho Mareykan ah, balse waxay asal ahaan kasoo jeedda Falastiin.