Lubnaan oo wadnaha farta lagu hayo iyo Israaโ€™iil oo isku diyaarinaysa ‘Jawaab milatari oo adag’

0

Golaha wasiirada amniga Israaโ€™iil ayaa u fasaxay ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa gaashaandhigga inay go’aan ka gaaraan “waqtiga iyo qaabka looga jawaabayo” si ay jawaab ugu bixinayaan gantaalkii ku dhacay garoon kubada cagta oo ku yaalla buuraha Golan halkaas oo labo iyo tobban qof oo carruur ay ku jiraan ay ku dhinteen.

Jaamacadda Xaifa, oo wax ka yar 50km u jirta xudduudda Israa’iil ay la leedahay Lubnaan, ma haystaan wax fursad ah.

Maamulka jaamacadda ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya dabaqa shanaad ee ka sarreeya dhismahan oo ka kooban soddon dabaq ay ku shaqeeyaan guriga. Cabsida ayaa sii kordhaysa

“Dagaalkii ugu dambeeyay ee Xisbullah lala galo 2006dii, hubkoodu wuxuu gaaray Xaifa”, ayay ii sheegtay Esther Parpara, oo xubin ka ah shaqaalaha jaamacadda. โ€œTani waa daqiiqad khatar ah. Waalidiintu waxay caawinayaan booliiska iyo ilaalada si ay u ilaaliyaan xarumaha xanaanada.Xiisadda xadduuda ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Lubnaan ayaa si joogto ah u kordhaysay tan iyo 8-dii Oktoobar, markaasoo Xisbullah ay gantaallo iyo duqeymo ku garaacday goobaha Israa’iil iyagoo is garabsanaya weerarkii Xamaas ee Israa’iil ku qaadday maalin ka hor. Labada kooxoodba waxay ku baaqayaan in la burburiyo dawladda Israa’iil.

Weeraro isdaba jooga ah ayey Xisbullah ku qaaday waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan, kuwaas oo ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya dagaalkii 1967-kii, lana wareegtay 1981-kii.

Israaโ€™iil ayaa mowjado duqeymo cirka iyo gantaallo ah ku qaadday koonfurta Lubnaan, kuwaas oo u muuqday jawaab celin gantaalkii dhacay Sabtidii.

Duqaymahan oo ay dhinacyadu iswaydaarsanayaan tan iyo bishiii oktoobar ayaa lagu dilay in ka badan 450 qof gudaha Lubnaan kuwaas oo ku dhawaad boqol ka mid ah ay rayid ahaayeen, halka Israaโ€™iil ay sheegtay in 23 rayid ah iyo toddobo iyo tobban askari lagu dilay.

Iska horimaadka ayaa ahaa mid aad loo xakameeyay, taasoo soo jeedinaysa in labada dhinacba ay isku dayayeen inay ka fogaadaan iska horimaad fool ka fool ah.

Laakiin hadda su’aashu waxay tahay intee in le’eg ayay Israa’iil ka jawaabi doontaa masiibadii Sabtidii, oo ah khasaarihii ugu weynaa tan markii ay bilowdeen weerarrada xuduudaha tan iyo Oktoobar.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaloyinka Israaโ€™iil si ay ugu baroor diiqdaan dhalinyarada dhibanayaasha ah, iyagoo sita ubaxyo iyo sawiro.

Xisbulah ayaa sheegtay inaysan ridin gantaalkaas halista ahaa, balse dowladda Israaโ€™iil ayaa ku adkeysaneysa in taasi ay tahay been.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa goor hore ka soo laabtay Mareykanka si uu u guddoomiyo shirka golaha amniga, iyadoo gudaha Israaโ€™iil lagu baaqayo in si adag looga jawaabo. Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in Xisbullah “ay bixin doonto qiimo culus oo aysan ilaa hadda bixin”.