Dalka Ingiriiska oo kusii siqaya Aqoonsi buuxa oo uu siiyao jamhuuriyada Somaliland ee uu hore u siiyay Xoriyada laakiin 1960 midow la gashay somali italy

0

Dalka Britain Ingiriiska ayaa kusii siqaya sidii uu Aqoonsi buuxa usiin lahaa dalka jamhuuriyada Somaliland oo xoriyadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska 1960 kii bishii june 26 keedii,

magaalooyinka waawayn ee dalka ingiriiska ayana si gaar gar ah u Aqoonsnaya madax bananida qarnka jamhuuriyada Somaliland oo mudo 33 sano ah jirsaday kadib markii ay kasoo baxeen midowgii ay la galeen somali italy oo ahayd wadan talyanigu gumaysan jiray,

Arbacadii bisha julay ay ahayd 24 ,2024 aya Golaha Deegaanka ee Magaalada Liverpool ayaa shaaciyey in ay u aqonsadeen Somaliland ‘dal madaxbannaan’ sida ay sheegeen, kaddib markii goluhu cod u qaaday.

Liverpool ma aha magaaladii u horreysay ee dalka Ingiriiska ah ee sheegta in ay aqoonsatay Somaliland, hore waxa loo xasuustaa Sheffield, Cardif City oo Wales ka tirsan oo sidan oo kale kal hore sheegtay xog tan la mid ah.

Qurba-joogta ugu badan ee Somaliland ayaa ku nool UK, kuwaas oo badanaa ka shaqeeya sidii ay golayaasha magaalooyinka ay joogaan uga ololayn laahyeen Somaliland.