Dawlada Somaliland oo Caalamka gadhsiisay Khatarrta Amni ee Hubkii gacanta ugalay shacabka Cabudwaaq

0

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland oo afka ingriiska ku qornaa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay welwel xooggan ka muujinayso hubkaas.

“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan…waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ka taagan,” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tiri: “Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay khalkhalka uu sababayo hubka faraha badan ee ku dhex faagsan Soomaaliya, sida aan ka arki karno dhacdooyinkii u dambeeyay”.

Somaliland ayaa intaa ku dartay in horreyba ay u qabeen walaac ah in lagu deg degay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarnayd.

“Arrimahani waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee safka hore ka qabaan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii Diseembar 2023”.

Somaliland ayaa walaaca ku sheegtay in hubkan oo ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah uu su’aal galinayo in waqtigii saxda ahaa la qaaday cunaqabateynta iyo inkale.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu welwel ka qabo hubkii dadka shacabka gacanta u galay.

“Hubkani waxaan u arkaa inuu dhalin karo su’aalo cusub oo ah nabad galyada iyo wada noolaanshaba inuu wax yeeli karo. Welwelkaas ayaan ka qabaa,” ayuu yiri Juxa.

Qaar ka mid ah khubarada amniga Soomaaliya ayaa qaba in cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay u baahan tahay xilligaan kor joogtayn adag, iyaga oo eegaya dhacdadii darraad ka dhacday meel u dhaw degmada Caabudwaaq ee Galmudug.

Balse Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faalooda ammaanka ayaa xusay in walaaca Somaliland ka soo saartay arrintan hubka ay yeelan karto dhowr fasiraadood.

“Maadaama Somaliland uu khilaaf kala dhaxeeye Khaatumo, waxyaabaha ay ka fekerayso waa in hubkan u gudbo xaduudeeda, marna waa siyaasadd waayo Somaliland markii horeba kuma qanacsanayn in xayiraadka hubka laga qaado Soomaaliya, beesha caalamka waxay tusayana in Soomaaliya balantii xakamaynta hubka aysan ka soo baxayn sidaas darteedna ay khalad ahayd in laga qaado ” ayuu yiri Kaboole oo la hadlay BBC da.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo BBC-da la hadlay hase yeeshee ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa isnaxusay “in hubkaasi uu leeyahay ‘Halis gudaha dalka ah iyo goboladaba.”

Hadaba dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sida ay arkaan walaacaan iyo sida ay awood ugu leeyihiin xakameynta hubka sharci darrada ah ayaan noo suragalin inaan helono, innaga oo dhawr jeer isku daynay inaan la xiriirno.

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri Hubkan

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa si isku mid ah u sheegay in uu sharci darro ahaa hub ku rarnaa gawaari xamuul ah oo la sheegay inuu ka soo tallaabay xadka dowlad deegaanka ay la wadaagaan Galmudug, kaas oo gacanta u galay maleeshiyaad iyo dad shacaba oo ku sugan degaano hoos taga degmada Caabudwaaq ee Galmudug.

War ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaaa lagu sheegay in “Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku began Gobalka Galguduud”.

War-saxaafadeedka ayaa la sii raaciyey in ka ganacsiga hubka sharci darrada ah uu fursad u yahay kooxaha argagixisada ah iyo hurinta colaadda beelaha.

Soomaaliya ayaa dhammaadka sanadkii tagay waxaa laga qaaday xariyada hubka ee saarnayda dalka muddo ka badna soddon sano, taas oo dowladihii soo maamulay dalka ay si isdaba jooga u dalbanayeen.