Xisbullah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil

0

Ururka Xisbullah ayaa gantaallo ku garaacay goobo ku yaalla waqooyiga Israa’iil, kuwaas oo gaaraya ilaa 150 gantaal, waana weerarkii ugu weynaa ee ururku ku qaado Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Ururka xisbulah ayaa wacad ku maray inuu sii kordhin doono howlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay dileen hoggaamiyihii caanka ahaa ee Xisbullah kadib weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in inta badan gantaalladaasi la qabtay, halka qaar ka mid ahna ay ku dhaceen gobollada waqooyi ee dalkaasi, taasoo sababtay in uu halkaasi dab ka kaco.

Isla markiiba, ciidamada Israa’iil waxay ku jawaabeen duqaymo dhowr ah oo ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Xisbullah.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in gantaalladooda ay la beegsadeen dhowr meelood oo ka tirsan dhulka Israa’iil, oo ay ku jiraan xarunta dhexe ee ciidanka woqooyiga ee saldhigga Ein Zeitim iyo warshad milateri oo ku taal Sasa’a.

War rasmi ah oo uu ururka soo saaray ayuu ku sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa 4 ka mid ah xubnihiisa oo uu ku jiro taliye ciidan oo la dilay fiidnimadii Talaadada ee aynu ka soo gudubnay.

Habeenimadii Talaadada, ciidamada Israa’iil ayaa beegsaday guri ku yaal deegaanka Joya, oo ka tirsan degmada Tire, taasoo keentay in la dilo xubnaha xisbiga.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Arbacadii maanta lagu dilay xubno ka tirsan xisbiga weerar lagu bartilmaameedsaday xaruun ay ku sheegeen “xarunta taliska iyo maamulka” ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

TV-ga Al-Manar, oo xiriir la leh Xisbullah, ayaa ka soo xigtay Hashem Safi al-Din, madaxa golaha fulinta ee xisbiga, in xisbigu uu “kordhin doono xoogga, tirada iyo tayada” hawlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Kumuu ahaa Taalib Sami Cabdullaahi sideese loo dilay?

Taalib Sami Cabdallah iyo asxaabtiisa ayaa lagu dilay weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday guri ku yaalla magaalada Joya ee dalka Lubnaan.

Warbaahinta ku dhow Xisbullah ayaa ku tilmaamtay magaciisa “Xaj Abuu Daalib” oo ah taliyaha qeybta Nasr ee Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Taalib Sami Cabdullah oo 55 jir ah ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sarraysay ee Xisbullaah, kaas oo lagu dilay iska horimaadyadii dhexmaray Israa’iil iyo ururka bilihii la soo dhaafay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Abu Taalib uu ahaa taliyihii ugu sarreeyay ee ciidamada Xisbullah ee ay Israa’iil disho tan iyo markii uu billowday dagaalka hadda socda.

Ilo-wareedyo ka tirsan militariga Lubnaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in uu ahaa taliyihii ugu muhiimsanaa ee Xisbullah ee la dilo tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa iyo xiisada ka taagan xadka Lubnaan iyo Israa’iil.

Hashem Safiuddin oo ah madaxa golaha fulinta ee ururka Xisbullah ayaa carabka ku adkeeyay in Xisbullah ay u aargudi doonto sarkaalkan.

Warbaahinta Iran ayaa soo bandhigtay inuu ka mid yahay taliyeyaasha “howlgallada” ee Xisbullah.

Taalib Sami Cabdallah oo kaliya maahan taliyayaasha sare ee la dilay tan iyo bilowgii iska horimaadka Xisbullah iyo Israa’iil bilihii la soo dhaafay.

Wissam Hassan Tavali, oo ka mid ahaa taliyaasha sare iyo taliye ku xigeenkii guutada Rezvan, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday baabuurkiisa bishii December.

Cali Axmed Xuseen, oo loo yaqaanay Cabbaas Jacfar, oo ka mid ahaa taliyayaasha sare ee Guutada Rezwan, oo ah unug gaar ah oo ka tirsan Xisbullah ee dalka Lubnaan, ayaa la dilay bishii Abriil ee sanadkan. Israa’iil ayaa sheegtay in darajada Cali Axmed Xasan ay u dhiganto Sarreeye Guuto.

Cali Cabdulhi Naciim, oo isna ka mid ahaa taliyayaasha sare ee qaybta gantaallada ee Xisbullah ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Xuseen Ibrahim Makki, oo ahaa taliyihii Xisbullah ee Lubnaan, ayaa isna la dilay bishii May ee sanadkan.

Qasim Saqlawi, waa mid ka mid ah taliyayaasha Xisbullah ee dalka Lubnaan, waa taliye kale oo la sheegay in lagu dilay weerar xagga cirka ah oo bishii June.