Safaarada Maraeykanka ee lubnan caasimada baytruut ku taala ayaa tacshiirada lagu furay maanta

0

Mas’uuliyiinta dalka Lubnaan ayaa xabsiga dhigay nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Suuriya kadib toogasho ka dhacday meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Bayruut.

 

Safaaradda ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalaheedu ay bad qabaan.

Ciidamada Lubnaan ayaa qoraal ay ku daabaceen barta X, waxay ku sheegeen in qof u dhashay Suuriya uu tacshiirad ku furay safaaradda oo ku taalla agagaarka waqooyiga ee Awkar.”

Warbixinta ay ciidamadu sii daayeen ayaa intaa ku daraysa in halka wax ka dhaceen loo daad gureeyay ciidamo si ay jawaab uga bixiyaan qalqalka ammaan ee dhacay, iyagoo dhaawacay qofka weerarka gaystay kadibna u qaaday isbitaal isla markaana xiray.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku sheegtay barteeda X, in ay ka war heleen xabado ka dhacaya agagaarka albaabka dhismaha safaaradda.

Waxaa intaasi lagu daray, “Waad ku mahadsanyihiin jawaabta degdegga ah ee ciidamada Lubnaan, ciidamada ammaanka, iyo kooxda amniga safaaradda, xarumahayaga ay bixiyeen, way bad qabaan wayna caafimaad qabaan.”

Si kastaba ha ahaatee, Safaaradda ayaa ku dhawaaqday inay xirnaan doonto saacado, balse waxay qorsheynaysaa inay si caadi ah shaqada dib u bilowdo maalinta berri oo Khamiis ah oo ay bisha Juune tahay lix.

Ra’iisal wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in ay ku daba jiraan dhacdadan wasiirka gaashaandhigga iyo ciidamada ammaanka.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in uu la hadlay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabad sugidda, waxaana ay u xaqiijiyeen in xaaladdu ay deggentahay.

Warku waxa uu intaa ku darayaa, “Waxa socda baaritaan lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, isla markaana waxaa la soo xiray dhammaan dadkii ku lugta lahaa falkan,”.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha in Safiirka Maraykanka ee Lubnaan, Lisa Johnson, “ ay hadda ku sugan tahay meel ka baxsan Lubnaan.

Ciidamada ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala dhismaha safaaradda, waxaana ciidamada ammaanka Lubnaan ay isbaarooyin ka sameysteen hareeraheeda, iyadoo diyaaradaha ciidamadu ay sii wadeen duullimaadyo ay ku sameynayaan agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay. Askarta ayaa sidoo kale baaraya dhammaan waddooyinka ku hareereysan safaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse ilo-wareed dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamadu ay baarayaan suurtagalnimada in arrintaan ay ku lug yeelen karto kooxda Daacish.

Dhacdo hore

Safaarada Maraykanka ee Lubnaan waxa ay ku taallaa meel aad u ammaan badan oo jidgooyooyin badan ay yaallaan waddada laga soo galo.

Safaaradda ayaa ka soo guurtay Beyruut, waxayna u guurtay Awkar, oo qiyaastii afar iyo toban kiilo mitir u jirta caasimadda, ka dib markii ay la kulantay weerar ismiidaamin ah bishii April 1983, oo ay ku dhinteen 63 qof.

Dhismaha cusub ee safaarada Maraykanka ayaa laga dhisayaa deegaanka Awkar, kaas oo ag dhismaha labaad ee ugu wayn Maraykanka noociisa oo kale ah marka laga reebo dhismaha safaarada Maraykanka ee Baqdaad. Dhismaha cusub wuxuu ku fidsan yahay dhul laba jibaar ka weyn yahay Degmada Aqalka Cad ee Washington.

Bishii Sebtembar ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii rasaas lagu furay agagaarka safaaradda, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.