Maamul Goboleedyada Butland iyo Koonfur Galbeed oo ganafka ku dhuftay in ciidamada Ethiopia ka baxan degamadooda,

0

Qorshihii Madaxwaynaha Dawlada xamar ee kasaarista ciidamada Ethiopia maamaul goboleedyada Jubaland iyo Koonfur galbeed ayaa waxaa diiday madaxda labada gobol waxayna sheegeen in aanay suura gal ahayn in ciidamada Ethiiopia ka baxaan sababtoo ah ayay yidhaahdeen Amniga ayaa ku xidhan ciidamada Ethiopia,

Madaxeyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay VOA inay arrintaasi tahay “xaalad adag.”

“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa VOA u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

VOA waxay la xiriirtay La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali, iyo afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Nebiyu Tedla oo aan arrimahan wax uga weydiino, hase yeeshee labaduba weli kama soo jawabain codsigeenii.