Waxaa baraha bulshada aad ugu baahay ilaa iyo shalay muuqaalka askari haraatinaya dad salaad ku jira goob waddo ah, dad badan ayaana ka carooday arrinkaas.
Dhacdadaas oo shalay oo jimce ahayd ka dhacday Delhi, ayaa dad badan oo ka xumaaday waxay banaanbax ka dhigeen xarun tareen oo u dhaw goobta.
Wariye ka tirsan BBC da ayaa sheegay in dibad baxyadii ay haatan is taageen kadib markii booliska Delhi ay isla markiiba shaqada laga joojiyay askarigii falkaas ka dambeeyay.
Shaqo ka joojin warka la xiriira ayaa waxa u xaqiijiyay BBC da booliska magaalada Delhi oo la hadlay wariye Dilanwaz Pasha oo ka tirsan wariyaasha BBC da ee dalka Hindiya. Sidoo kale waxaa lala wadaagay wariyaha in qaybta booliska ee magaalada ay suโaalo waydiinayaan askarigii sameeyay falka.
โMuuqaalku waa uu shaacay. Aad ayuu ugu baahay baraha bulshada. Waxaa talaabo laga qaaday askarigii lagu arkay muuqaalka. Waxaana lalaalay shaqadii askariga masuulka ka ahaa.โ Sidaas waxaa wakaaladda wararka ee ANI u sheegay madaxa qaybta booliska ee Wuqooyiga Delhi Manoj Kumar.
โXaalku hadda waa uu dagan yahay. Waxaan xiriir la sameynay dadka deegaanka ee fariintooda na soo gaarsiiyay waxaanan u sheegnay in ay dhawraan nidaamka iyo kala dambeynta xaafadda. Intoodii badneyda goobta waa ay isaga tageen. Si loo xaliyana isu socodkii gaadiidka ee maasha waa la hakiyay,โ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Muuqaalkaan oo dunida oo dhan ku baahay ayaa laga dhex arki karaa askariga booliska ah oo six un ula dhaqmaya dad sujuudsan oo ku jira salaadda Jimcaha goob wado ah.
Askariga ayaa la arkayaa isaga oo qof sujuudsan gadaal uga dhufanaya haraati, qofkii ayaana si halhaleel ah u kacaya ugana baxaya salaadda.
Hadana qof kale oo ku jiray safkaas kii ka horeeyay ayuu u imaanayaa, sidii si la mid ah ayuu gadaal haraati dhufanayaa. Intaas ka dib ayaa loo jeedi dayaa dad isku dayaya in ay la hadlaan askariga.
Dadka ayaa uga doodaya arrintaan baraha bulshada iyaga oo dalbanayay in talaabo laga qaado.
Mid ka mid ah dadkaas oo lagu magacaabo Rajya Sabha ayaa ku soo daabacay bartiisa X, โAskariga Delhi ee haraatiniya qof salaad ku jira waxay ila tahay in gabi ahaanba uusan wax ka aqoon xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah. Nacayb nuucee ah ayaa ku jira oo buux dhaafiyay qalbiga askarigaan. Waxaan ka codsaneynaa qayb booliska ee Delhi in ay kiis ku furto askariga ayna shaqada ka ceyriso.โ
Hugaamiyaha congress ka ee dalkaas Supriya Srinet oo arrintaan adib hadasay ayaa bogeeda X, ku qortay: โHal ku dhigga booliska Delhi waa โNabad, adeeg iyo cadaaladโ ; si daacadnimo ah ayyna uga shaqeynayaanโ.
Dhibaatada ka taagan dadka salaada ku gala wadada waa mid soo jirtay
Waxaa jira kiisas hore oo abuuray khalalaaso iyo hadhayn kuwaas oo la xiriira dad salaad ku jiray oo horay u dhacay. Magaalada Gurugram waxaa horay isku dhac u dhex maray dad salaad tukanayay iyo booliska.
Si la mid ah, sanadkii la soo dhaafay, koox dad ah oo caraysan ayaa weerar ku qaaday ka dibna gubay masaajid, iyaga oo ka careysnaa in dad masaajidku ka buuxsamaya ay salaada ku tukadeen wado u dhaweed masaajidka, kadib markii safku dheeraaday. Imaam daโyar oo lix iyo labaatan sano jir ahaa ayaa lagu dilay weerarkaas. Gacan qaad ka dhashay arrintaas oo isla aaggaas ka dhacay ayaa mar dambe ay ku dhinteen ilaa iyo shan ruux oo kale.
Sanadkii 2018 kii banaan bax ayaa waxaa dhigay dad diidan in wadooyinka lagu tukado. Doodo iyo wadahadalo is xigxigay oo dhacay kadib waxaa bulshada muslim ka ah ay ogolaadeen in la yareeyo tirade dadka markiiba ku tukan kara goob wado ah.