Stuart Polak, oo ah siyaasi ingiriis ah iyo mudane ka tirsan aqalka duqayda ee dalkaas ayaa dood ay yeesheen goluhu oo ku saabsaneed siyaasadda dibadda ee ingiriiska wuxuu ka hadlay arrin la xiriira Somaliland iyo Soomaaliya.
Wuxuu u soo jeediyay golaha in muhiimada ay leedahay in aqoonsado didaalka Somaliland ay ku bixineyso si ay qayb uga qaadato horumarka gobolka.
Balse waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in wax badan ay is badaleen tan iyo markii dawladda Ingiriiska aqbashay in ay jirto Soomaaliya mid ah.
โDunida waa ay is badashay horay ayay u socotay tan iyo markiiaan aqbalnay nidaamka hal Soomaaliya oo dhashay sanadkii 19961 dii. Haatana waxaa la joogaa waqtigii aan anaguna nidaamkeena badali lahayn,โ ayuu yiri Polak oo hadal ka jeedinayay golaha dhexdiisa.
Dhanka kale mudanahaan ayaa ka hadlay heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhawaan Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taas oo uu sheegay in Somaliland ay aqoonsi uga heli doonto dawladda Itoobiya.
โItoobiya oo ah saaxiib muhiima oo uu leeyahay Ingiriisku, waxay heshiis is afgarad la sixiixatay Somaliland, taas oo ay Itoobiya ku aqoonsandoonto Somaliland, badalkeedana Itoobiya ay ku heli doonto saldhig ciidan iyo mid ganacsi,โ ayuu golaha ka horsheegay Stuart Polak.
Dawladda Soomaaliya ayaa ka carootay markii heshiiskaasi dhacay, waxaana masuuliyiinteedu sheegeen in uu dhaawacayo wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, oo sida ay marar badan sheegeen ay rajo uga qabeen in dhinacyadu ay isku soo dhawaadaan.
Xiisadd ka dhalatay heshiiska ayaa sabatay dagaal dublumaasiyadeed oo dhexmara wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, sidoo kale xiisad la xariirtaa arrintaas ayaa ka dhalatay hawada Soomaaliya, taas oo keentay in diyaardo caalami ah ay helaan xogo duulimaad oo aan rasmi ahayn.
Horay ayaa waxaa u jiray mudanayaal ka tirsan Golaha Dadweynaha ee Ingiriiska kuwaas oo marar kala duwan fagaarayaal caalami ah uga hadlay arrinka aqoonsiga Somaliland.
Waxaa ka mid ahaa xildhibaanadaas, Sir Gavin Williamson, Ian Paisley, Kim Johnson Alexander Paul Thomas Stafford, Paul Christopher Blomfield, Alec Edward Shelbrooke, John Francis Spellar, Alun Hugh Cairns, Dr Lisa Cameron, Rt Sir Robert Buckland, iyo Clive James Charles Betts.
Stuart Pola ayaa ka mid noqonaya mudanayaashaas hoay uga hadlay arrinka aqoonsiga Somaliland ee ololaha u galay.
Xildhibaan Gavin oo mar ka hadlayay sababta ay u doonayaan aqoonsiga Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu muhiim u yahay amniga Britain iyo baayac mushtarka dunida marka laga hadlayo intaraatijiyadda halka ay ku taallo Somaliland ee gacanka Cadmeed.