Bayaan ka soo baxay hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha falcelinta arrintaan ay masuuliadooda qaadi doonto Muqdisho.

0

Bayaan ka soo baxay hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha falcelinta arrintaan ay masuuliadooda qaadi doonto Muqdisho.

“Cidda masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu yiri Cumar Sayid oo ah maareeyaha hay’adda Dullista ee Somaliland.

Hadalkaan ayaa dad badani u arkaan hanjabaad ay dirayso Somaliland.”Hay’adda Duulista iyo madaarada jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka hawadu iyada oo kaashanaysa awoodda shacabkeeda iyo wadamada saaxibka la ah waxay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku joojinayso… isa soo taraya islamarkana ay ku ilaalinayso maamulka hawadeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hadaba, Tallaabo ceenkee ah ayay qaadi kartaa Somaliland?

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa sheegay in waddada kali ah ee u furan ay tahay in ay is difaacaan.

“Annagu wax noo haray ma jiro oo aan ka ahayn inaan is-difaacno, dadka reer Somaliland iyo hay’adda duulista hawada iyo xukuumadda awood ayay u leeyihiin hawadeeda inay difaacato,” ayuu yiri Cumar oo wareysi gaar ah siiyay BBC.

Khubarada ku taqaqusay arimaha duulimaadyada ayaa sheegay in Somaliland ay awooddo in iyada oo isticmaaleysa qalabka isgaarsiinta ee hawada in ay xogo qaldan siin karto duulimaadyada ku jira hawada Soomaaliya.

“Khadka diyaaradaha lagala hadlo qalab ma u keensan kartaa[Somaliland]? haa, ” ayuu yiri Maxamed Abuukar Nuur oo ah khabiir ku taqaqusay duulimaadyada hawada kana soo shaqeeyay oo saldhigiisu yahay dalka Maraykanka.

Maareeyaha duulimaadyada Somaliland ayaa maanta wareysi uu siiyay BBC da ku sheegay in Somaliland ay heli karto qalab ku filan oo oo ay ku fulin karto xiririada hawada ee ay lala sameeyo diyaaradaha.

“Hargeysa iyo Muqdisho isku qalab ayaa yaalla waxaba kuma kala duwanin haddii ay reediyoo tahay iyo haddii ay shaqaala tahay-ba,” ayuu BBC da u sheegay maareeye Cumar Sayid.

Balse khubarada waxay shaki ka muujinayaan awoodda ay Somaliland u yeelan karto in ay qaado tallaabo carqalad u keeni karta nidaamka hawada, hadiiba ay dhacdo in ay taas xal bidaan, iyaga oo u sababeeyay cidda ay ku dul dhici doonto masuuliyadda tallaabadaas.

Maxamed Abukar ayaa BBC da u sheegay in nidaamka hawada ee dawladahu uusan ahayn mid maamulkiisu isqabqabsi iyo fawdo qabali kara, maadaama uu yahay adeeg caalami ah oo ay ku tiirsan yihiin duulimaadyo isaga kala goosha daafaha dunida, kuwaas oo ay saaran yihiin kumanaan dad ah iyo badeecooyin markiiba.

“Hawada wax lugu goolaaftamo oo ay dowladda Sooomaaliya iyo Somaliland ku goolaaftamaan way ka wayn tahay…la socodkeedana aduunyada waxay u xilsaaratay hay’ad caalami ah oo Qaramada Midoobey hoos timaado,” ayuu yiri Mr Maxamed.