Ilhan cumar oo halis wayn ugu jirta in laga Eryo Senetka mareykanka sharcigana lagala Noqdo

0
Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa kadib hadalkii ay ka tiri heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa

Ilhaan Cumar ayaa ka wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa tan iyo intii loo doortay xubinnimada aqalka baarlamaanka Mareykanka ee Congress, ee ay ku metesho gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota.

Gabadha xagjirka ah ee kula jirta Congress ee Marjorie Taylor ayaa aqalka baarlamaanka u gudbisay qaraar ku eedeynaya Ilhaan qiyaano qaran, iyo inay wakiil u tahay dowlad shisheeye.

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis waxa uu isagu ku baaqay in Ilhaan laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka islamarkaas na la masaafuriyo.

Qaraarka loo gudbiyay Congress iyo baaqa tarxiilka Ilhaan ayaa dabo-socday hadal ay ku durtay isfagaradka badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ka jeedisay xaflad loo dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.

Xubnaha xisbiga Republican ayaa doonaya in Ilhaan laga eryo aqalka Congress

Ilhaan Cumar oo ay kusoo wajahan tahay doorasho hor leh oo bishan ba olelaheedu bilaabanayo ayaa laga raacay khudbad ay Af Soomaaliga uga jeedisay xaflad Minnesota loogu dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, oo noqday kii ugu horreeyay ee xilka madaxweynenimada oo uu ku fadhiyo dib loogu doorto.

Ilhaan ayaa xafladaas ka dhaleeceysay heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa ee badda iyo saldhig Ciidan, kaas oo madaxweyne Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida uu ku sheegay inay ku bedelanayaan aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan taas – riyo iyo yididiillo ay soddon iyo dhowr sano naaweleysay Hargeysa.

Ilhaan, oo dureysa is-afgaradka ayaa tiri: “Inta aan xubin ka ahay Congress, qofna ma qaadan doono badda qaranka Soomaaliya, Mareykankuna ma taageerayo kuwa kale ee doonaya inay naga xadaan.” Waxay intaas raacisay: “Dowladda Maraykanku waxay samayn doontaa waxa aanu u sheegno.Taasi waa kalsoonida aan u baahanahay inaan helno Soomaali ahaan. Waxaan ku nool nahay dalkan. Waxaynu bixinaa canshuur.”

Hadalkaas oo u eg in si khaldan loo turjumay ama qeyb ahaan laga tagay ayaa ku faafay internetka kadibna waxaa sii qaatay oo sii faafiyay warbaahinta garabka midig ee lagu xanto islaam iyo ajnebi naceybka.

Eedeymaha qiyaamo qaran, iyo baaqyada ah in laga eryo aqalka baarlamaanka, iyo xitaa in la tarxiilo oo laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka waxay ka dhaceen hadalkaas, qeyb ahaan aan la wada turjumin.