Anaga diyaar u ah in aanu ku biirno shaqalaha shirkada caalmaiga ah ee Dp world,laakin ma ogolin waxa ay wataan Sdaexda xildhibaan ee bararlamaanka ugasoo baxay gobolka saaxil

0

Muruqmaalka dekada Berbra ee loo yaqaan Geelayaasha  ayaa wali  ka dhursugaya Qoraalo ay u geeyeen mamulka gobolka saaxil  siddi ay ugu wareegi lahayeen shirkad Dpworld  dukmatiyadasi oo ay  sheegeen in ay ku cadeeyeen waxay iyagu doonayan in lagula wareego muruqmaalka dekada Berbera, sidii  uga mid noqon lahaayeen shaqaalaha Dp world,

waxana Xubin sare oo ka tirsan muruqmaalka Geelayaashu  u sheegay warbaahinta qaarkood in ay wel wel ka qaban sadex xildhibaan oo iyagu sheegay waa sida uu hadalka udhigaye in ay isku xilqaamen hawshan la wareegida shirkada Dp world   ee ururada geelayssha ee ka  xamaasha Dekada Berbera, waxaanu ku Eedeyay in ay kala qaybin iyo jujuub kudoonayan in ay heshiis ay gacantooda ku sameeyeen  ay  ku wareejiyaan Geelayssha Berbera heshiiskaasi oo uu  sheegay in anay waxba kala socon qaybna ka ahayn,masuulkan ayaan codsaday in aan magaciisa la qorin

dhawaan mar ay warbahinta la hadlen masuuliyiinta labada Geele ee A iyo B waxay si cad u sheegeen in ay doonayaan ,danaynayaan in ay ka  mid Noqdaan shaqalaha Dp world oo iyagu si toos  ah Heshiiska ula galaan shirkada Caalmaiga ah ee Dp world  sidii ay heshiiska ula gashay hay,adii stivadornka  oo hada ku najaxday ayay yidhaahdeen  ku biiritaankii shaqaalaha Dp world ee ay ka  midka noqdeen,

qaar kamida madaxda muruqmaalka ayaana ka digay sida ay warbaahinta qaarkood usheegeen in xildhibaanada hawshan ka shaqaynaya ay wadan damacyo kale oo iyaga u shaqsi ah taaasina ay carqalad ka abuuri doonnto isfahamka wanagsan ee geelayaashu ku dalbanayan in ay ku biiraan shirkada dp world shaqqlaheeda,

mid kamida ayaana yidhi waxaanu baaq udiraynaa badhsaabka gobolka, Mayorka iyo mareyaha dekada Berbera waxana ka codsanayna ayuu yidhi in heshiiska aanu la galayno dp world ay taladiisa qayb wayn ku yeeshaan,

dabcana wuxuu intaasi ku darey in aanay raali ka ahayn arinka ay wataan sadexda Xildhibaan , masuulkan oo codsaday in aan magaciisa la qorin ayaa ugu danbayn sheegay in maalmaha soo socda ay sadexdaa xildhibaan imanayaan Berbera doonayana in ay hotel xaflada ku qabtaan taas oo aanan kuwada socon ayy yidhi  xildhibanada raalina kama nihin ayuu yidhi waxa ay wataan ee kala qaybinta muruqmaalka  dekada Berbera iyo iska horkeenka ay isku garacayaan shirkad calamiga ah ee dp world iyo geelayasha,