Ammaanka garoomada adduunka ayaa ah kuwo adag mana ahan wax sahlan in la iska maro, gaar ahaan marka uu qof safarayo oo uu aadayo waddan kale.
Laakiin nin ayaa ku guulaystay in uu ka baxo gagida dayaaradaha ee Copenhagen ee Denmark isaga oo ku wajahan magaalada Los Angeles ee dalka Mareynkanka, isagoo aan wadan baasaboor, dal ku gal iyo tikid diyaaradeed midna.
Ninka oo lagu magacaabo Sergei Uchigawa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Los Angeles ee dalka Mareykanka bishii November ee sanadkii hore, ma uusan haysan dal ku galka Mareykanka, baasaboor, iyo tikid diyaaradeed.
Maalintii Jimcaha isbuucii hore, maxkamad ku taal gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa ku heshay dembi ah inuu si dhuumaaleysi ah oo sharci darro ah ku galay dalkaas isagoo diyaarad ku yimid wadanka.Taariikhdu markii ay ahayd 4-tii Nofembar, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa Sergei ku xiray garoonka diyaaradaha ee Los Angeles ka dib markii ay waayeen wax caddeyn ah oo muujinaya in Sergei uu haysto tikid ama fiiso, waxa uuna wajahayaa xabsi shan sano ah.Sidee ayuu ninkaan ku gaaray Ameerika isaga oo aan haysan baasaboor, dal ku gal iyo tikid midna ?
Sida laga soo xigtay dacwad oogayaasha, Sergei ayaa ku guuleystey inuu si dhuumasho ah ku dhaafo garoonka diyaaradaha ee Copenhagen ee Denmark, isagoo raacay qof rakaab ah.
Waxaa kale oo uu sheegay in maalintii xigtay, Sergei uu ku guulaystey inuu raaco diyaaradda Scandinavian Airlines oo ku socotay Los Angeles iyada oo aan la ogeyn.
Sida laga soo xigtay dukumentiyada eedeeymaha Sergei, intii lagu jiray duulimaadka shaqaalaha diyaarada waxay ogaadeen in uu marar badan beddelaya kursigiisa uu diyaarada kaga fadhiyay.
Intii lagu jiray duulimaadka, ninkaan ayaa laba jeer cunto ka dalbaday shaqaalaha diyaaradda waxaana uu xitaa isku dayay inuu cuno shukulaatada shaqaalaha diyaaradda.
Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa sheegay in Sergi uu isku dayayay in uu la xiriiro oo la sheekaysto rakaabka kale ee diyaaradda saarnaa intii lagu guda jiray dulimaadka, balse cidna uma jawaabin.
Markii uu ka soo degay gegida dayaaradaha ee Los Angeles 4-tii Nofembar, waxaa istaajiyay saraakiisha socdaalka iyo xuduudaha ee Mareykanka si su’aalo loo weydiiyo.
Saraakiisha socdaalka iyo xuduudaha ee California waxay ogaadeen inuusan ninkaan ku jirin liiska rakaabka ee duullimaadyada Danmark iyo Mareykanka.
Baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in uusan haysan wax dukumintiya oo ay ka mid yihiin baasboor ,dal ku galka Mareynkanka iyo tigid midna.
Markii la baaray, boorsada Sergei waxaa laga helay kaarar aqoonsi ah oo uu leeyahay kuwaas oo laga siiyay dalalka Ruushka iyo Israa’iil.
Ma usan shaacin jinsiyadda dhabta ah ee hasto, sidoo kale laamaha amaanka uma sheegin sababta uu Mareynkanka ugu soo safaray, xilliga uu yimid magaalada Copenhagen ee Denmark iyo sababta uu halkaas u joogay.
Waxaa lagu eedeeyay inuu bixiyay ‘macluumaad been abuur ah iyo marin habaabin’ ah oo ku saabsan safarkiisa Mareykanka.
Markii hore wuxuu u sheegay maamulka garoonka inuu ku ilaaway baasaboorkiisii diyaaradda, waxaa kale oo saraakiisha baaritanka u sheegay in uu watay ‘tigid diyaarad’ balse waxba lagama helin diyaarada.
Waxa kale oo uu sheegay in aanu xasuusan sidii uu kusoo raacay diyaaradda isaga oo ku andacooday in aanu seexan saddex maalmood.
Waxa uu xabsiga ku jiray tan iyo markii la xiray, waxaana uu wajihi doonaa xabsi gaaraya shan sano.
Ku dhawaaqida xukunka rasmiga ah ee ninkaan ayaa la filayaa in la shaaciyo 5-ta bisha soo socota ee Febraayo.