Raysal wasaaraha UK oo ka jawaabay soo jeedin la xirriirtay aqoonsiga Somaliland

0

Raysal wasaaraha Ingiriiska aya hadal dublamaasiyadeed kaga jawaabay codsi  taagero iyo Aqoosi u ah Somaliland oo  uu ka dalbaday xildhiban barlamaka Ingiriiska ah

Raysal wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa jawaab ka bixiyay, codsi uu soo jeediyay Alexander Stafford, oo ah xildhibaan ka tirsan baaralamaanka UK.

Codsiga uu soo jeediyay xildhibaanka ayaa ahaa in dowladda UK ay bilowdo hannaan Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax banaan.

Balse raysal wasaaraha UK oo jawaab kooban ka bixiyay arrintaasi ayaa yiri:

‘Uk iyo saaxibada Africa, waxay haatan ku howlanyhiin sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka, waxaanna kala shaqeyn doonnaa cid kasta si taasi u suurtagasho’.

Hadalkiisa sidaa ayuu ku soo koobay raysal wasaaruhu.