Maroodigii Soomaaliga ahaa ee Qoryooleey loogu dilay inuu u janjeero reer galbeedka

0

Maroodi Soomaali ah ayaa lagu dilay degmada Qoyooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya sanadaihii todobaatameeyadii, xilligaas oo ku sugnaa degmada ninkii waqtigaas ugu sareeyay Midowgii Soofiyetka.

Soomaaliya ayaa ahayd mid kamid ahayd dalalka ku yaalla bariga afrika ee xiirir xoogan oo dhinacyada ammaanka, diplomaasiyada iyo iskaashigu ka dhaxeeyey Midowgii Sofiyeetka.

Xiriirka labada dhinac ayaa xoogaystay wixii ka danbeeyey markii militarigu la wareeegeen talada dalka, iyad oo Ruushka oo waayeel u ahaa Midowga Sofiyeeti uu Soomaaliya ka caawiyey dhismaha ciidanka, qalabaynta iyo tababarada.

Qofkii ugu sareyey ee ka socday Midowga Sofiyeeti ee booqday Soomaaliya ayaa ahaa Guddoomiyahii Golaha Sare ee Soviet-ka ee USSR, Nikolai Podgorny oo yimid Soomaaliya bishii Luulyo sandki 1974-tii.

Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeey hoggaamiyihii Soofiyeedka, balse booqashadaas waxaaa ku jirtay sheeko xiiso leh oo BBC da la wadaagay taariikhyahan Dr Saadiq Eenoow. .

Xagaagii 1974, ayaa waxaa Soomaaliya casuumaad ku yimid Nikolai Podgorny iyada oo loo sii galbiyay xilligii uu ku jiray booqashadiisa deegaanka Qoryooley oo markaas mid aad u qurxoonaa maadaama uu lahaa dhul beereed aad u barwaaqysanaa.

Qoryooley waxaa ku yaalay xiligaas beero aseendooyin ah oo ay ka baxaan geedo waaweyn oo u badan geed canbaha, waxana harka geedahaas hadimo sharafeed loogu samayn jiray madaxda booqashooyinka ku taga Soomaaliya

Jeneral Maxamed Cali Samatar oo ahaa wasiirkii gaashandhiga ee Soomaaliya ayaa hogaaminayey madaxda Soomalida ee Qoryoolay ku marti sooraysay waftiga Sofiyeetka, waana mesha sheekadan ka dhacday.

Sida Dr. Eenow xusay intii madaxdu dhexmareysay laamiyo qurxoon oo yar yar lagana dhisay geesaha geedaha waaweyn ee beeraha, kuwaas oo qayb ka ahaa jidadkii uu hore u dhisay Talyaaniga ayaa waxaa ka soo hor baxay maroodi wayn, sida uu sheegay Dr Sidiiq.

“ Askartii la socotay hogaamiyihii Sofiyeetka iyo kuwii Soomaalida ayaa toogtay maroodigii” ayuu yiri taariikhyadahan Eeenow.

Markii madaxdii qadeyeen oo casarkii la jooga ayaa Madaxweynihii Sofiyeetka Nikolai Podgorny waxaa loo keenay foolkii maroodigii la dilay oo la soo hagaajiyey, waxaana loo gudoonsiiyey hadiyad ahaan, ayuu yiri taariikhyahanku.

“Jeneralka Cali Samatar oo la kaftamayey Nikolai Podgorny ayaa ku yiri , ‘maroodigan waxaa noo soo diray Imperiyaaliyada caalamiga ah’ oo ula jeeday maroodigan waxaa noo soo diray reer galbeedka, kadibna Nikolia ayaa qosol la dhacay, maadaama halka cadow ay lahaayeen u ahaa reer galbeedka” ayuu yiri Dr. Saadiq.

Nikolai Podgorny ayaa mar kale booqasho ku yimi Soomaaliyada sanadkii 1977-dii sida Dr.Saadiq Eenow xusay balse booqashadan danbe lama shaacin.

Podgorny ayaa xiligaas sidoo kale booqday dalalka Tansania, Zambia iyo Mozambique socdaalkaas oo ka mid ahaa kuwo uu ku marayey qaarada Afrika.

Tobban sano ka dib booqashadiisii labaad ee uu ku tagay Soomaaliya, Nikolai Podgorny ayaa geeriyooday isagoo jira 79 sano jir, sanadkii 1983-dii

Nikolai Podgorny iyo Maxamed Siyaad Barre

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.

Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.

Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay.

July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi.

Sidoo kale Sofiyeetka ayaa Soomaaliya ku lahaa saldhigyo ciidan oo ay ka mid ah kuwii ciidamadoodu ku lahaayeen magaalada Berbera.

19-kii April 2016, Ra’iisul Wasaarahii Soomaaliya ee xilligaas Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, isagoo ka codsaday dowladda Ruushka inay ka caawiso sidii loo xoojin lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka ah ee Al-Shabaab.

Bishii Janaayo 2018, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka Arkady Dvorkovich ayaa la kulmay Xasan Cali Khayre oo xilligaas Soomaaliya raysal wasaare ka ahaa, waxayna ka wada hadleen xoojinta qaab dhismeedka Dhaqaalaha ee Davos.