Habeenkii Madoobaa ee Qasa ee tiradii ugu badneyd hal meel lagu dilay iyo sida Dunida ugu falcelisay

0

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Qaza ayaa sheegay in boqolaal qof ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday isbitaalka magaalada Gaza xalay kaas oo mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiintu ay midba midka kale ku eedeeyeen, waxa ay kicisay mudaaharaadyo ka dhacay Daanta Galbeed iyo agagaarka Bariga Dhexe.

Maamulka caafimaadka ee marinka Gaza ee ay Xamaas maamusho ayaa sheegay in duqayn dhanka cirka ah oo Israa’iil ay geystay ay sababtay dhacadada halka militariga Israa’iil ay ku macneeyeen gantaal fashilmay oo ay rideen kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka, Ashraf Al-Qudra, ayaa sheegay subaxnimadan in boqollaal la dilay, shaqaalaha samatabbixintana ay weli meydadka ka soo saarayaan burburka. Saacadihii ugu horeeyay ee qaraxa kadib, madaxa difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegay in 300 oo qof ay dhinteen, halka ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ay sheegeen in tiradaasi ay gaareyso 500.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada rasmiga ee dhimashada iyo cidda ka dambeysay qaraxa.

Ka hor duqeynta, maamulka caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 3,000 oo qof ay ku dhinteen duqeynta 11-ka maalmood ee Israa’iil ee billowday kadib markii Xamaas 7-dii Ocoobar ay weerar ku qaadday bulshooyinka koonfurta Israa’iil oo ay ku dhinteen 1,300 oo qof, ku dhawaad 200 oo qofna loo kaxaystay Qaza iyagoo qafaal ahaan loo haysto.

Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, ayaa tan iyo 2006-dii waxaa xukumayay Xamaas, waa koox Islaami ah oo uu Maraykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso

.

Duqeynta ayaa dhacday maalin ka hor booqasho uu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo dagaalka ay kula jirto Xamaas iyo inuu maqlo sida Israa’iil ay u qorshaynayso inay yarayso khasaaraha dadka rayidka ah.

Iyadoo aan loo eegin cidda lagu helay mas’uuliyadda qaraxa, oo Xamaas ay sheegtay in lagu dilay bukaanno iyo kuwa kale oo ku guryo beeleen duqeymaha Israa’iil, waxay adkeyn doontaa dadaallada lagu xakameynayo dhibaatada.

Waxaa haatan muuqata , in wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan, Ayman Safadi, uu baajiyay shir madaxeed uu dalkiisu ku martigelin lahaa, Biden iyo hoggaamiyeyaasha Masar iyo Falastiin.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ee Falastiin ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro ku kala eryay dibadbaxayaal ku sugnaa magaalada la haysto ee Ramallah ee daanta galbeed ee dhulka la haysto, kuwaasoo tuurayay dhagaxaan kuna dhawaaqayay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, iyadoo carada dadku ay sii kululaatay.

Falkan argagaxa leh ayaa waxaa cambaareeyey guud ahaan dalalka Carabta, waxaana mudaaharaadyo ka dheceen safaaradaha Israa’iil ee Turkiga iyo Jordan iyo agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan, halkaas oo ciidamada ammaanku ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dad bannaanbaxayaal ah.

Muuqaallo lagu baahiyay Telefishinada ayaa muujinayay Mudaaharaadyo ka socda Magaalada Taz ee Koonfur Galbeed Yemen, iyo sidoo kale Caasimadaha Morocco iyo Ciraaq.

Ururka Xisbullah ee ay taageerto Iran ee Lubnaan ayaa dhalleeceeyay wax ay ku sheegeen weerarkii dhimashada badnaa ee Israa’iil ay ku qaadday cisbitaalka Al-Ahli Al-Carabi ee Gaza, oo ay maamusho Kaniisadda Anglican, waxayna ku macneeyeen “maalin caro oo aan hore loo arag” oo ka dhan ah Israa’iil iyo booqashadii Biden.

Waxaa jiray sheegashooyin iyo diidmo ka yimid saraakiisha Isra’iill iyo Falastiin oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah.

Cabbaas waxa uu sheegay in beegsiga cisbitaalka ay tahay “xasuuq dagaal oo aad u fool xun”, isaga oo intaa ku daray “Israa’iil waxa ay ka gudubtay dhammaan khadadka cas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qaraxan ku eedeeyay mintidiinta Falastiiniyiinta.

“Caalamka oo dhan waa in uu ogaadaa Waxay ahaayeen argagixisada waxashnimada ah ee Gaza kuwaas oo weeraray cisbitaalka Gaza, ee ma aha IDF ama ciidamada Israa’iil,” ayuu yiri, “Kuwii sida arxan darrada ah u dilay caruurteena sidoo kale waxay dileen caruurtooda” ayuu sii raaciyay.

Isaga oo warfidiyeenka si kooban ula hadlay aroorta hore ee saaka, af hayeenka millatariga Israel Rear Admiral Daniel Hagari, ayaa sheegay in aysan jirin wax si toos ah loogu garaacay isbitaalka, waxa uuna sheegay in Israa’iil ay hayso sirdoon cadeynaysa sheegashada ah in maleeshiyaadka Qaza ay mas’uul ka yihiin.

Daa’uud Shehab, oo ah afhayeenka Islamic Jihad, ayaa beeniyay in kooxdiisu ay mas’uul ka ahayd weerarka dhimashada badan dhaliyay.

“Tani waa been iyo borobogaando, gabi ahaanba waa khalad, waxa ay isku dayayaan in ay ku daboolaan dambiyada naxdinta leh iyo xasuuqa ay u geysteen dadka rayidka ah,” ayuu u sheegay Reuters.

Intii lagu guda jiray iskahorimaadkii u dambeeyay ee Israa’iil iyo Xamaas ee 2021-kii, Israa’iil waxay sheegtay in Xamaas, Islamic Jihad iyo kooxaha kale ay Gaza ka soo rideen ilaa 4,360 gantaal kuwaas oo ku dhawaad 680 ka mid ah ay gaari waayeen Israa’iil oo galay Marinka Qaza.