.Maraykanka ayaa bariga dhexe u diray markabka dunida ugu weyn ee dayaaradaha xambaara

0

Maraykanka ayaa bariga dhexe u diray markabka dunida ugu weyn ee dayaaradaha xambaara ee la yiraahdo UUS Gerald Ford. Waxaa lagu wadaa inay dhawaan gaaraan badda Mediterranean-ka ee

Waxaa kaloo la socda raxan maraakiib ah oo iyo dayaarado, ujeedada loo dirayna waa inay gacan ka siiyaan Israa’iil oo weerar kadis ah ay Sabtidii ku soo qaadeen dagaalyahannada Xamaas sida laga soo xigtay taliska dhexe ee ciidanaka Maraykanka.

Haddaba maxaa laga yaqaan USS Gerald Ford iyo maraakiibta kale ee la socota.

USS Gerald Ford

Markabkan waxaa loo arkaa inuu yahay kan ugu horumarsan xagga tiknoloojiyadaSS , waana kan dunida ugu weyn ee dayaarada xambaara.

Dhererkiisu waa 333 mitir, joogiisana waa 76 mitir. Wuxuu ku fadhiyaa 12.8 bilyan oo Doollar.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay sameeyaan markabkaas iyo maraakiibta la socota. Waxaa markabka saaran 5,000 oo askari oo ciidanka badda ah.

Ujeeddadu waxay tahay inay ka jawaabaan xaalad kasta oo la soo derista sida inay ka hortagaan in hub uu soo gaaro Xamaas iyo inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa badda.

USS Normandy

Markabkan wuxuu ku hubaysan yahay gantaalada cirka, kuwa dhulka, iyo kuwa gujisyada. Waxaana loogu magac daray dagaalkii Normandy ee xilligii dagaalkii 2aad ee dunida.

Waa markabkii laga riday tirada ugu badan ee sawaariikhda Tomahawk ee uu rido Markab Maraykan leeyahay.

Dagaalkii ugu horreeyey ee uu ka qayb qaatay markabkan wuxuu ahaa kii Kuwait looga saarayey ciidankii Saddaam Xuseen 1990. Xilligaas waxaa laga riday 26 gantaal oo ah nooca Tomahawk.

1995 waxaa USS Normandy loo diray badda Adriatic si uu u taageero hawlihii Qaramada midoobay ay wadeen Yuguslaafiyadii hore.

Wuxuu kaloo markabkaas ka qayb galay dhoolatusyo milateri oo ka dhacay meelo kala duwan oo dunida ka tirsan.

USS Thomas Hudner

Markabkan waa nooca burburiyaha loo yaqaanno, wuxuuna ku fadhiyaa qiime ahaan 663 Malyan oo Doollar.

Weli kama uusan qayb qaadan wax dagaal ah, wuxuuse ka qayb galay dhoollatusyo milateri.

Waxaa ku rakiban qoryaha culus ee darardoorriga u dhaca, sawiirkhda dhulka, cirka iyo badda lagula dagaallamo iyo gantaalada Tomahawk.

Waxaa sidoo kale markabkan uu sidaa gantaallada khatarta ah ee Torpedo oo dhowr nooc ah iyo laba helicopter.

USS Ramage

Markabkan oo ay saaran yihiin 281 askari wuxuu hawlgalkiisii ugu horreeyey sameeyey Siteembar 11 2001, markii weerarkii dayaaradaha loo adeegsaday lagu qaaday magaalada New York.

Waxay xilligaas raadaarrada ku rakiban kor iyo hoos u ilaalinayeen xeebaha bari ee Maraykanka si aysan u dhicin weerarro kale oo argagixiso.

Xilligii ciidankii maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliya iyo ciidankii Itoobiya ay dagaallamayeen wuxuu ahaa markabkiiugu horreeyey ee degdeg u gaaray Afrikada bari, isagoo si dhow ula shaqaynayey dayaaradda wax basaasta ee P-3.

Dabayaaqadii Janaayo 2010 wuxu markabkan ka qayb galay hawlgalkii baadigoobka iyo badbaada ee dayaaraddii Ethiopian Airlines eek u dhacday badda Mediterranean, in yar ka dib markii ay ka duushay Beirut.

Hubka saaran wuxuu badankiis la mid yahay kan uu sido markabka USS Thomas Hudner.