Maxaan ka ognahay dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil

0

Tiro badan” oo ah rayid Israa’iiliyiin ah iyo askar ayaa la haystayaal ahaan waxaa u qafaashay kooxda falastiiniyiinta ee Xamaas ee weerarka ku qaaday Qasa sida uu sheegay milateriga Israa’iil.

Qaar dadkaas ka mid ah ayaa dhintay, halka qaar kalena la aaminsan yahay inay dhinteen sida uu sheegay gaashaan dhexe Jonathan Conricus oo ah afhayeenka milateriga ee Israa’iil.

Carruur, dumar, waayeel iyo dad naafo ah ayaa kamid ah dadka la qafaashay sida uu afhayeenkaas sheegay.

Tiradaas waa inta ilaa hadda la ogyahay, ilaa haddeerna waxay ahayd arrin aan la malayn karin. Tani waxay qaabayn doontaa mustaqbalka dagaalkan” ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Xamaas, tirada israa’iiliyiinta ee ay qabsadeen “dhowr goor ayey ka badan tahay” tobanaan, waxaana la kala geeyey goobo ku yaalla Qasa oo dhan.

Marka laga yimaado Israa’iiliyiinta waxaa kaloo jira dad waddamo kale u dhashay oo la qafaashay, waxaana ka mid ah Labo Mexican ah – nin iyo haweeney, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico Alicia Barcena. Maamulayaasha Brazil waxay sheegeen in seddex muwaadin oo reer Bazil ah la la’ yahay.

Boqolaal qof oo ka qayb galayey xaflad muusik ayaa ku cararay dhulka taagga ah ee banaan ee lama degaanka Negev, gaar ahaan meel u dhow Urim oo ah degmo u dhow Qasa, ayagoo isku dayayey inay ka baxsadaan dagaalyahannada xamaas oo si cabsi badan gawaari ugu eryanayey. Qaar dadkaas ka mid ah ayaa dhintay, halka qaar kalena ay gacanta ku dhigeen raggii hubaysnaa sida laga daawaday baraha bulshada.

Mid ka mid ah muuqaallada la soo dhigay baraha bulshada, laakinse BBC aysan xaqiijin, u ekaa inay ka muuqatay haweeney ka qayb galaysay xafladda oo ay laba nin qafaasheen.

Ninkeeda walaalkiis – Moshe Or – ayaa haybteeda ku sheegay inay tahay haweeney Israa’iilliyad ah oo lagu magacabo Noa Argamani.

Mr Or ayaa ku wargeliyey maamulayaasha inla la’ yahay, ka hor intii uusan arkin ayada iyo walaalkiis oo Fiidiyow ka soo muuqday, kuwaasoo ay mitidiintu qafasheen.

Fiidiyow kale oo BBC aysan xaqiijin ayaa laga arkay ayadoo biyo kabanaysa oo joogta qol u muuqda inuu Qasa ku yaallo.

Shani Louk oo ah israa’iiliyad haysata dhalashada Jarmalka ayaa iyadana ka mid ahayd dadkii ay Xamaas ka qafaasheen xafladdii muusigga.

Fiidiyowyo baraha bulshada dhex wareegaya ayaa laga arkayey gawaari dhex maraysa dad aad u fara badan oo marinka Qasa isugu soo baxay, waxaana gawaaridaas la sheegay inay saarnaayeen dad la soo qafaashay.

Fiidiyow kale oo BBC ay xaqiijisay, ayaa muujinaya haweeney caga-cad oo lagu jiidiyo gaari, gacmaheeda oo dhiig lehna ay gadaal u xiran yihiin.

Safaaradda Israa’iil London ayaa xaqiijisay in laba muwaadin oo Ingiriis ah – Dan darlington iyo Jake Marlowe – la la’ yahay, waxayna intaa ku dartay in qof seddexaad lagu dilay xudduudda Qasa.

Waxaa iyagana jira muwaadiniin ajnabi ah oo ku dhintay weerarka. Dhowr qof oo Maraykan ah ayaa lagu dilay, laguna dhaawacay sida uu sheegay afhayeenka golaha amniga qaranka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin maadaama uusan idan u haysan inuu warbaahint la hadlo, wuxuuna intaa ku daray in xaaladda si dhow isha lagu hayo.

Shalay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee maraykanku wuxuu sheegay in inay ogson yihiin “warar aan la xaqiijin oo sheegaya in muwaadiniin Maraykan ah ay qafaasheen Xamaas”, wuxuuna intaa ku daray in hay’aduhu ay ka shaqaynayaan “haddii ay warbixinadaas sax yihiin”.

Waxaa kalo jira xukuumado sheegay in dad looga dilay Israa’iil waxaana ka mi dah Thailand oo sheegtay 2 qofna laga dilay 11-na la qafaashay.

Waxaa ayagana xaaladooda aysan kala caddayn 11 arday oo Nepal u dhashay, halka laba ardayna ay dhaawacan yihiin. Dalal kale oo Faransiiskuka mid yahay ayaa iyaga sheegay inay la’ yihiin dadkooda.

17 sano ka hor ayey ahayd markii ugu dambaysay ee askari Israa’iili ah loo qafaasho maxbuus dagaal.

Xamaas waxay shardi uga dhigeen sii deynta dadkaas in ay ku beddeshaan maxaabiista ururkooda ka tirsan ee kuxiran xabsiyada Israa’iil.