Maxaadan ogeyn oo ka dhacay Liibiya?

0

Kooxaha gurmadka ee Liibiya ayaa la tacaalaya sidii ay u soo saari lahaayeen meydadka iyo dhibbanayaasha kale ee ay la tageen daadadka xawliga u soconaya ee uu keenay Sunami u eekaha ah halkaas ka dhacay.

Ugu yaraan 2,300 ayaa ku dhintay, sida laga soo xigtay maamulka ambalaasta ee Derna, oo ah magaalada ugu daran ee ay saameysay.

Labo biyo-xidheen iyo afar buundo ayaa ku dumay magaalada Derna, kuwaas oo qariyay inta badan magaalada markii duufaanta Daniel ay ku dhufatay Axaddii.

Ilaa 10,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in la la’yahay, sida ay sheegtay Bisha Cas, waxaana la filayaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

 

Qaar ka mid ah mucaawinooyinka ayaa billaabay inay yimaadaan, waxaana ka mid ah kuwa Masar, balse waxaa dadaallada samata bixinta caqabad ku noqday xaaladda siyaasadeed ee Liibiya, iyadoo dalkaas uu u kala jabay laba dowladood oo iska soo horjeeda.

Dalalka Mareykanka, Jarmalka, Iiraan, Talyaaniga, Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sheegay inay soo direen ama diyaar u yihiin inay soo diraan gargaar.

Muuqaal fiidiyow ah oo la duubay iyada oo xaaladdu mugdi tahay kadib Axaddii ayaa muujinaya webiyo ah oo magaalada dhex maraya oo baabuurtu si aan waxba tarayn u garaacayaan xilligan.

Kumannaanka baddu qaadday

 

Shaqaalaha gurmadka deg dega ah ayaa boqolaal meydad ah kadhex helay burburka dhismayaasha magaalada Derna ee bariga Liibiya iyadoo laga cabsi qabo in dhimashadu ay kor u kacdo.

Dadkaas oo aad u tiro badan ayaa markii ay adkaatay in keli keli loo aaso hadda xaal marayaa in si wadar ah xabaalo wadareedyo loogu sameeyo, taas oo muujinaysa sida xaaladdu u adag tahay.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in meydadka wadarta loo soo saaray ee la aasay ay ku sii dhaw yihiin illaa 1000 qof.

Waxaana jira sheekooyin naxdin leh oo ku saabsan dadka iyaga oo nool biyuhu qaadeen ee ay badda ay ku dareen, halka qaar kalena ay ku dhegeen saqafyada sare ee dhismaha aan dhacayn si ay u badbaadaan.

 

Muuqaallo ay dadka deegaanka soo galiyeen baraha bulshada ayaa muujinaya burburka iyo sida ay u dumeen dhismayaal dhaadheer oo hadda halkii ay ka taagnaayeen hadhaaga dhagaxii lagu dhisay iyo waddooyin goani ay ka muuqdaan, kuwaas oo muujinaya sida ay xawaaraha biyuhu u burburiyeen magaalada.

Labada dhinac ee webiga a dhiiqo iyo burbur badan oo ay biyaha kululi qaadeen xaafado ku yaala labada dhinac ee webiga.

Kasim Al-Qatani, oo ah samafale ku sugan magaalada Bayda, ayaa barnaamijka Newsnight ee BBC-da u sheegay in ay ku adkeyd in samatabbixiyeyaashu ay gaaraan Derna, maadaama inta badan wadooyinkii ugu muhiimsanaa ee soo gala magaalada ay ahaayeen kuwo aan shaqayn oo aan la adeegsan karayn, sababtoo ah burburka soo gaadhay.

Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta daadadka ay ugu suuragashay in ay geystaan khasaare intaas le’eg, isaga oo intaa ku daray in 2.5bn Diinaar Liibiya ah (£412m; $515m) la siin doono si dib loogu dhiso Derna iyo magaalada bari ee Benghazi.

Magaalooyinka Soussa, Al-Marj iyo Misrata ayaa sidoo kale waxaa saameeyay duufaantii Axadii.

 

Liibiya waxa ay ku jirtay jahawareer siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer dalkaas Col Mucammar Al-Qadaafi isl amr ahaantaana la dilay 2011-kii, taas oo keentay in waddanka qaniga ku ah saliidda uu u kala go’o dowlad ku meel gaar ah, oo caalami ah oo la aqoonsan yahay oo ka shaqeysa caasimadda Tripoli, iyo mid kale oo ka hawl gasha dhanka bariga.

Maamulladan ayaa mid kasta ay si madax bannaan u kala taageeraan maleeshiyaad kala duwan iyo dowlado shisheeye.

Derna, oo qiyaastii 250km bari ka xigta magaalada Benghazi ee xeebta, ayaa waxaa ku hareeraysan buuraha lagu magacaabo Jabal Akhdar.

Magaaladu waxa ay mar ahayd goob ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ay ku lahaayeen sldhigyadoodii Liibiya, kadib dhicistii Qadaafi. Sannado ka dib waxaa ka eryay Ciidanka Qaranka Liibiya (LNA), oo ah ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar oo gacan saar la leh maamulka bariga.

Kala qaybsanaanta maamul ayaa se loo arkaa in ay acaqabad ku noqon doonto gargaarka ka imanaya dawladaha shisheeye.

Jeneraalkan awoodda badan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta barigu ay hadda qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay fatahaadaha si waddooyinka dib loogu dhiso, korontadana loo soo celiyo si ay gacan uga geystaan gurmadka soo gaadhaya gobolka.

Shabakadda wararka ee Libya ee lagu magacaabo Al-Wasat ayaa soo jeedisay in ku guul-darraysiga dib-u-dhiska iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha ee Derna ka dib sannado badan oo colaado ah ay qayb laxaad leh ka tahay dhimashada sare ee sunaamigani sababay

Isu ekaanshaha sunaamiga Liibiya iyo Soomaaliya

2004 waxaa Soomaaliya iyo dalalka saaran badweynta India ku dhuftay badgariir (Tsunami). Badgariirka wuxuu gaaray ilaa Indonesia oo uu d ad bandanna ku dilay hanti bandanna lagu waayey.

Sida Libya oo kale ayey baddu gudaha u soo gashay deegaanno ay ka mid tahay Xaafuun.

Inkastoo sumaamigaas Soomaaliya ka dhacay ka waxyeello yaraa kan hadada Libya ku dhuftay misna wuxu ahaa mid khasaarihiisa watay oo la tegey qalab iyo doomo aan dib dambe loo arkin, halka Libya uu badda ku daray kumanaan qof iyo xaafado dhan oo la waayey.

Waxay kaloo isaga mid yihiin in aan laga warhelin wax digniin ah oo dadka looga digay in sunaami soo socoto, waxaana laga warhelay ayadoo biyuhu ay xaafadaha soo galeen.

In kasta oo Soomaaliya u eg tahay in ay ka soo kabanayso haddana dhanka kale labada dhinac waxaa ka jira maamullo is khilaafsan oo dhan kastaa dhinac gaar ka taliyo.