Sida shaashada Telefishinka guriga kuu yaal uu kuu basaaso

0

Waxaa kordhaya walaaca laga qabo shaashada iyo qalabka ku xiran telefishinada la dhigto guryaha iyo xafiisyada. Walaacaas waxa uu la xiriiraa dareenka ah in dhalada TV-ga casriga ah ee guriga kuu taal ay dhegeysan karto islamarkaas na duubto wada sheekaysigaaga gaarka ah xilli kasta.

Shirkada soo saarta agabka casriga ee Samsung ayaa horey uga digtay macaamiisheeda inay ka hadlaan macluumaadka shakhsiyeed marka ay hor fadhiyaan telefishankooda casriga ee guriga u yaala.

Digniintu waxay qusaysaa daawadayaasha TV-ga arimaha shaqsiyadeeda ugu hadla marka ay hor-fadhiyaan shaashaddaha Samsung gaar ahaan kuwa adeegsada qalabka casriga ah ee codka ku maamula Telefiishanadooda.

Shirkadda ayaa sheegtay in marka macaamiishu ay ogolaadaan shuruuraha la xidhiidha codka in agabkoodu uu duubi karro codadka lagu wada hadlo isla markaana uu u gubdin karo qolo seddaxaad si codadkaasi ay u adeegsadaan shirkada ganacsiga qaab xayeeysiin ahaan.

Arintaan ayaa jahawareer ku abuurtay shirkada Samsung ee soo saarta TV-ga, laakiin waxaa ay Samsung sheegtay in tani ay tahay dookha macmiilku.

Dadka u dooda dhowrista xogta gaarka ah ee dadka ayaa ku eedeeyay shirkada inay ficil ahaan u dhaqangelisay tilmaamaha buugga sheeko-baraleyda ahaa ee George Orwel uu qoray toddobaadan iyo afar sano kahor. Buuggas ayaa ka sheekeynayay oo saadaalinayay sida ay dunidu u noqon doonto goob wada maqal iyo muuqaal duubis ah oo wax walba la duubo, oo la dhegeysto islamarkaasna xogta iyo hadalka inta aan la jecleysan. Wuxuu ka digayay in taariikhdu noqon karto mid sida la duubo dib loogu qoro, iyo mid la tiro, iyada oo ay dadku lumin doonaan qof-ahaanshiyahooda.

 

Siyaasadda duubista codka iyo xogta daawadaha

Digniinta la xiriirta in shaashada Telefishinka guriga kuu yaal uu xogtaada duubayo ayaa soo baxday kadib markii qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Internetka ay daabaceen qeyb kooban oo ka mid ah siyaasada shirkada ugu weyn dunida ee sameynta telefishinada ee Samsung. Xogtaas kooban ayaa la xiriirtay sida shaashada Smart ama caaqilka loo yaqaan ay u duubi karto codkaada marka la taabto badhan ka mid ah kuwa laga maamula hagaha telefishinka.

Siyaasadda duubita codadka macaamiisha ayaa sharxaysay in TV-gu uu dhegaysan karo codadka dhammaan dadka qolka ku wada jiro “Haddii erayada lagu hadlo ay ku jiraan macluumaad shakhsi ahaaneed ama kuwa kale ee xasaasiga ah, macluumaadkaas ayaa kamid noqon doono xogta la qabtay isla markaana lala wadaagay gacan seddaxaad,” ayay tidhi shirkada Samsung

Corynne McSherry, oo ah qareenka shirkada Frontier Foundation oo u ololaysa arrimaha xuquuqda dhijitaalka, ayaa u sheegay Daily Beast in kooxda saddexaad ay u badan tahay in ay tahay shirkadda bixiya adeegyada codadka u badala qoraalada isla markaana loo adeegsan karro codkaasi siyaabo kala duwan.

Waxay intaa ku dartay, “Haddii aan anigu ahaan lahaa macmiilkaa, waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado cidda saddexaad, ee lala wadaago xogteyda, waxaan kale oo aan ogaan lahaainaan ogaado in ereyadayda loola wajaho qaab ammaan ah”.

Iyada oo ka jawaabaysa wararka baahsan ee ka dhanka siyaasadeed duubita codadka, Samsung waxay soo saartay bayaan ay ku caddeyso sida codadka ay TV-yadu duubaan u shaqeeyo. Waxay ku nuuxnuuxsatay in qaabka aqoonsiga codka lagu hirgelin karro iyada oo la isticmaalayo kaantaroolka fog ee TV-ga.

Samsung ayaa tidhi “Haddii macaamiilku oggolaado oo uu isticmaalo astaanta aqoonsiga codka, xogta codka waxaa la siiyaa qolo saddexaad”.

Waxa ay intaa ku dartay in Samsung aanay keydsan xogta codka ama aanay gacan seddaxaad ka iibin codka la qabtay.

Kooxda saddexaad ee gacanta ku haysa isla markaana turjunta codadka ayaa lagu sheegay inay tahay shirkad lagu magacaabo Nuance, oo ku takhasustay aqoonsiga codka, Samsung ayaa sidaasi u xaqiijisay BBC.

Dadka ku takhasusay amniga intarneedka ayaa aaminsan in ilaa inta ay dadku ku xidhan yihiin intarneedka, ay TV-yada casriga ahi wadi doonaan aruurin xogta.

 

Sidee Ayaad Isaga Ilaalin Kartaa In TV-Yada Casriga Ah Ku Jaajuusaan?

Inkasta oo siyaasadahan la xidhiidha uruurinta iyo keydinta xogta macaamiishu ay ku kala duwan yihiin shirkada soo saara agabka casriga ah, haddana waxaa jira dhowr arrimood oo kuu sahli karro in aad iska ilaaliso in xogtaadu ay ku dhacdo gacmo aan ammaan aheyn.

Akhir mar walbo siyaasadda shirkadaha casriga ee ururinta xogta shaqsiga ah.

Telefishankaaga iyo guud ahaan agabka casriga ah ayaa uruurin karro macluumaadkaaga shaqsiga ah haddi aad u fasaxdo marka hore balse, waxaa aad marwalbo taasi isaga difaaci kartaa in aad akhiriso macluumaadka la socdaTV-gaga adiga oo u fasixi karo ama ka xanibi karro.