Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa isgeeyayxabsi ku yaala gobolka Georgia. Trump ayaa wajahaya eedeymo la xiriira doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka, oo ah inuu isku dayay inuu bedelo natiijada doorashadaas oo dhacday sanadkii 2020 kii.
Â
Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweyne hore uu xabsi tago. Sawirro ayaa laga qaaday, wuxuuna Trump noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay abid ee laga qaado sawir maxbuusnimo.
Trump ayaa markii dambe bixiyay lacag 200,000 oo doolar, si loogu siidaayo damaanad oo laga siidaayo xabsigaas ku yaala magaalada Atlanta.
Waa markii afaraad ee muddo shan bilood ah gudahood ah oo Trump loo xirayo dacwad ciqaabeed, laakin waxaa aad loo hadal hayaa sawirka laga qaaday, oo ah sawirada laga qaado dadka dambiilayaasha ah marka ay xabsiga galayaan oo ah nidaam ay maxaabiista oo dhan wada maraan.
Trump ayaa xabsiga joogay muddo labaatan daqiiqo ah, iyadoo tiro taageerayaashiisana ay dibedda taagnaayeen.