Yaa u guuleystay Tartanka Oroddada Adduunka ee Hungary ka dhacay?

0

Gudaf Tsegay ayaa dalka Itoobiya usoo hoysay biladdii ugu horreysay ee dahabka, kadidb Tartanka Orodka Adduunka ee shalay ka dhacay magaalada Budapest ee dalka Hungary.

Orod-yahannada kale ee Itoobiya sida Letesenbet Gidey ayaa heshay biladda qalinka halka Ejgayehu Taye ay heshay maarta.

“Wuxuu ahaa tartan cajiib ah oo si cajiib ah ku dhammaaday,” ayay tiri Tsegay, oo tartankan 10,000m ku dhammeysatay 31 daqiiqo iyo 27.18 seken.

Sifan Xasan, oo ah orod-yahannad kasoo jeedda Itoobiya balse heysata dhalashada dalka Holland iuna ordeysay isla dalkaas ayaa kuftay balse degdeg ayay usoo istaagtay waxayna gashya kaalinta 11-aad.

“Waxaan u maleynayaa in la riixay, balse maxaan dhihi karaa? waa ciyaaro, way dhici kartaa,” ayay Sifan u sheegtay BBC Sport.

Sifan iyo Tsegay ayaa mar kale foodda isku dari doona tartanka 5,000m ee dhowaan ka dhici doona Hungary.