Askar ka tirsan Dalka Niger ee dhaca galbeedka Africa ayaa sheegay in ay sameeyen Inqilaab iyagoo kahadlay TV qaranka dalkaasi
Waxa ay sheegeen in dastuurkii ay kala direen, isla markaana ay laaleen dhammaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay xireen xuduudaha dalka.
Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada ilaalada madaxtooyada tan iyo horraantii Arbacada.
Waxaa loo ballan qaaday Washington “taageerada hagar la’aanta ah” ee uu wacay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale sheegay in uu la hadlay madaxweynaha uuna u soo jeediyay Qaramada Midoobay in ay taageero buuxda la garab taagan tahay.
Mr Bazoum ayaa ah saaxiibka muhiimka ah ee reer galbeedka ee dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah ee Galbeedka Afrika.
Laba dal oo deris ah oo kala ah Mali iyo Burkina Faso ayaa waxaa ka dhacay afgambiyo ka dhashay kacdoonnada jihaad doonka ah sannadihii u dambeeyay.
Labada wadanba hogaamiyayaasha cusub ee militariga waxay isku dhaceen Faransiiska, gumeysigii hore, oo horey u xukumi jiray Niger