Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi Oo Ka Digay Burburka Somaliland!!
Gudoomiye Cumar Shucayb Maxamed Ayaa Qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xaalada dalka Soo dhigay Bogiisa Facebook.
Waxaana qoraalkiisu u dhigna sidan
MIDHKAA IGA GUNTA.
Hadii Beesha dhexe ay Somalilandnimada ilaalin waayaan oo sida imika muuqata ay ku sii socoto Somaliland dariiq burbur sababa ayay tegi ILAHAY inaguma keenee.
Waar waxii aynu doono aynu isku Haynee aynu qaranimada ILAASHANO.
GUURTI iyo nin garbood ina dhexgelayaa oo runta inoo Kala sheegi Kara ma jiro ,oo sanadkaa maanta ah xaaladeenu waa xilay ay ka kharibantahay ma jirto.
Dhaqaali wadanku wuu taaganyahay ma jirto wax Kala socdaa hadii aan dhawaaq wanaagsan oo rajo leh shacabka loo sheegin walee in meel dheer laga dooni
Xaalada aan gobolada qaarkood laga soo sheegayo waa wax aan fiicnayn.
Hadalada hogaamiyayaasha Mucaaridka iyo kuwa xukuumada taageeraba samayn ayay ku yeelan lahaayeen.
Beri CIRRO ayaa la filayaa inuu hadlo waxaan rajaynayaa in hadal xaalada wadanka dejiya inuu ka hadlo oo jawigan bedela.
SAWIRKA WAYN EE AYNU WADA HIIGSANAYNO aynu muhiimada siino, kursigu waa beri ninkii ILAHAY gaadhsiiyo.
ILAHAY MADAXDA HAYNOO HAGAAJIYO