Hanti dhowr ku jira kastamka berbera oo baadhaya cashuurtii la lunsanayay ee la qabtay cida msuuliyadeeda lahayd

0

Fadeexadii weynayd  ee ka dhacday Kastamka Berbera gaar ahaan qeybta Cashuuraha ee lacagta Bilyanis Sl Shilinka ah lagala baxsanaayay Cashuurta dawlada ayaa waxay Sababtay inay habeenkii xalay Magaalada Berbera Usoo hoydaan Masuuliyiintii ugu sareeyay Wasaarada Maaliyada Somaliland kuwaas Ay hogaaminayaan Wasiir Sacad Cali Shire,Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Rooda Cilmi,Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Xuseen Mu,adinka.Agaasimaha waaxda Kastamada waxa kaloo wehelinaayay Hanti dhawrka Gaarka ah ee Wasaarada Maaliyada,Gudi baadhiseed oo wasaarada maaliyadu magacawday waxa kaloo iyaguna socdaal gooniya oo la Xidhiidha baadhista badeecada Cashuurta lagala baxsanaayay  Berbera uyimi Hanti dhawraha guud ee qaranka Jsl iyo shaqaalaha hawlaha baadhista uqaabilsan,

Dhamaan masuuliyiintan ayaa fadhiga uga soo kacay cashuurtan dawlada laga Lunsanaayay oo kor udhaaftay 700,000,000 Sl Shilin ah taasoo ay qabteen waaxda barxada ee rarka iyo dib u eegista Cashuurta Badecadaha.

Masuuliyiintan ayaa dhamaantood saaka subaxnimadii hore uqalab qaatay baadhista Fadeexadan ka dhacday Kastamka berbera waxaanay xoguhu sheegayaan in koox kastaa dhinaceeda ka Bilawday baadhista la xidhiidha dhacan la dhacaayay hantida Cashuurta ah ee Qaranka Somaliland laga lunsanaayay.

 

Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Xuseen Mu,adinka si oo gooni gooni warbaahinta Madaxbanaani ula kulantay si ay dhacdadan fadeexado ka dhalatay wax uga Weydiiyaan ayaa sheegay inaanay hada ka hadlayn  arintaas  hada maamdaamoo baadhis ay kawadaan Hanti dhawrka guud ee qaranka,Hanti dhawrka gaarka ah ee Wasaarada Maaliyada iyo Gudi wasaarada Maaliyadu Usoo Magacawday wixii baadhistaas ka soo baxana cidkasta oo ay gasho boobka hantida qaranku lagula xisaabtami doono talaabada ku waajibtayna laga qaadi doono markay arimahaasi soo Dhamaadaan si daah furan uga hadli doonaan.