Tan iyo intii labada qeybood loo qeybiyay Kastamka Berbera ee la sameeyay qeybta baadhista dambe ee rarka badeecadaha(Checking)waxa soo kordhaayay badaeecadaha cashuurta lagala baxsanayo ee la Qabanayo,
Â
Dekeda Berbera 8 bishan Julay 20203 waxa lagu qabtay badeecad Cashuurteedu dhamayd marka hore(Hal Bilyan iyo laba Boqol Milyan oo Somaliland Shilin ah) badecadan ayaa neeceedu ahaa qalabka Isgaadhsiinta ee shirkadahaha waaweyni isticmaalaan waxaanay ka kala koobnaayeen qalabka gudbiya maqalka iyo muuqaalka ee Taawarada lagu xidho.
 Sida warbaahintu xog ku heshay ganacsadaha badeecadan lahaa oo kamid kuwa ugu tunka weyn Ganacsatada Somaliland wuxu shubay oo khasnada Dawlada ku dhacday cashuur ahaan loo bixyay lacag udhigmaysay (500,000,000 SL Shilin) halka lacag(700.000,000,sl shilin ah) lala baxsanaayay oo ay Qabteen kastamka Berbera qeybta Barxada ee rarka Badeecadaha iyo dib u eegista Cashuurtooda,
Xafiiskan barxada ee kastamka Berbera ayaa mudooyinkii udambeeyay gacanta ku dhigay dakhli bilyanis Sl Shilin ah oo cashuurta Lagala baxsanaayay tan iyo intii Lakala Madaxbanaaneeyay Kastamka qeybta hore ee cashuurta badeecadaha iyo qeybta dambe ee rarka iyo dib u eegista cashuurta.