“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib tirayo,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.
Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in Shariif Sheekh Axmed “uu uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey madaxtooyada, una rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”
Kulanka maanta ayaa imanaya ayada oo dhowaan xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed uu kasoo horjeestay dadaal uu baarlamanka federaalka isku dayey inuu wax uga beddelo qodobo ka mid ah dastuurka si loogu gogol xaaro kordhinta muddo xileedka hay’adaha dowladda.
“Waxaa marna suurta-gal ahayn caqli ahaan iyo sharci ahaanba gole la doortay inuu isagu isu sameeyo muddo kordhin, haday timaado baahi in wax ka bedel lagu sameeyo qodob dastuuri ah oo taabanaya muddo xileedka hay’adaha dowladda, wax ka bedelku wuxuu dhaqan galayaa muddo xileedka dambe, si looga fogaado danaha is-diidan ‘Conflict of interest’,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga Himilo Qaran.
Dadaalkaas ayaa markii dambe guuldarreystay kadib markii ay diideen xildhibaanada.