Kumannaan muhaajiriin ah oo ka qaxaya dal Afrikaan ah kadib xaalad soo wajahday

0

Ku dhowaad 300 oo ah muhaajiriin ka soo jeeda Galbeedka Afrika ayaa lagu wadaa in maanta ay ka baxaan dalka Tunisia, kadib markii uu Madaxweynaha waddankaas jeediyay khudbad u muuqatay mid horseedi karta naceyb ka dhan ah soogalootida Afrikaanka ah.

Qeys Saciid ayaa khudbadda uu jeediyay 21-kii February ku sheegay inuu jiro qorshe ah in muhaajiriinta Afrikaanka ah ay tiro ahaan la wareegaan Tunisia ayna arrintaas ka dambeeyaan “khaa’iniin u shaqeeya dalal shisheeye”. Balse ma aanu soo bandhigin caddeyn ku aaddan sheegashadaas.

Dalka Guinea ayaa 50 muwaadiniintiisa ah Arbacadii ka soo qaaday Tunisia, halka Ivory Coast iyo Mali ay sabtida maanta ah diyaarado khaas ah u direen si ay u soo qaadaan 295 muwaadiniintooda ah, sida ay diblomaasiyiin u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

“Tiro dhan 145 qof oo muhaajiriin ah ayaa saaka ka duulaya Tunisia, kadib markii ay xalay ku hoydeen huteello,” ayuu Jean Badel Gnabli oo madax u ah soogalootida Ivory Coast u sheegay AFP.

Waxa uu intaa ku daray in tan iyo markii uu khudbadda jeediyay Madaxweynaha ay dadka muhaajiriinta ah dareemeen walaac iyo cabsi.

Safiirka Ivory Coast u fadhiya Tunis, Ibrahim Sy Savane, ayaa sheegay in 1100 muwaadin oo dalkiisa u dhashay ay codsadeen in laga saaro Tunisia.

Waxa uu sidoo kale sheegay in muhaajiriinta ay sabab u yihiin falal dambiyeedka kordhaya ee waddankaas ku yaalla waqooyiga Afrika. Hadalkaas ayaa horseeday in muhaajiriin badan laga eryo shaqooyinkii ay ka hayeen dalkaas.

Midowga Afrika ayaa khudbadda Madaxweyne Qeys ku tilmaamay “mid laga naxo”, halka waddamada ay muhaajiriinta badan kaga sugan yihiin Tunisia ay billaabeen inay dadkooda ka soo daabushaan waddankaas.

Afrikaanka doonaya in ay ka baxaan Tunisia ayaa waxaa kamid ah arday wax ka dhigata jaamacadaha waddankaas, qaarkood ay lacagtooda ku dhigtaan halka kuwo kalena ay haystaan deeq waxbarasho, isla markaana qaab sharci ah ku joogay waddankaas.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in saddex arday oo u dhalatay Ivory Coast dhawaan la waxyeelleeyay xilli ay ka soo baxeen hoygooda.

Tan iyo khudbaddii Madaxweyne Qeys, laamaha ammaanka Tunisia ayaa qab-qabtay muhaajiriin aan sharci haysan, waxaana qaarkood ay weli ku jiraan xabsiyada waddankaas.

Kuwa dalalkooda ay safaaradaha ku leeyihiin Tunis ayaa waxa u suuragashay in ay helaan cid caawisa.

Tirakoobka rasmiga ah ayaa muujinaya in 21 kun oo muhaajiriin sharci darro ah oo dalalka kale ee Afrika ka tegay ay ku nool yihiin Tunisia oo shacabkeedu lagu qiyaasay 12 milyan oo qof.

Muhaajiriinta ugu badan ayaa ka tegay Ivory Coast, waxaana tiradooda lagu qiyaasay toddoba kun oo qof.

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ayaa intooda badan u taga Tunisia si ay ugu gudbaan Yurub, halka qaar kalena ay shaqooyin ka helaan waddankaas Carbeed.